Monday, May 20, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} AS-Kii Ugu Badnaa oo Aay Ciidanka Nabadsugida Soo Bandhigeen

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Ciidanka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa howlgalo ay ka sameeyeen magaalada Baydhabo dee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed, kusoo qab qabtay xubno badan oo la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab.

Taliska ciidanka Nabad sugida ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 12 xubnood oo la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab , kuwaa oo ciidanka siyaabo kala duwan kusoo qabteen.

Saraakiisha ciidanka NISA ayaa sheegay in kooxdan katirsan Al Shabaab lagu soo qabtay howlgalo kala duwan ay ciidanka ka fuliyeen gudaha magaalada Baydhabo iyo sidoo kale deegaannada kale ee ku xeeran.

Raggan ay ciidanka nabad sugida soo bandhigeen ayaa la sheegay in Al Shabaab u qaabilsanaayeen jabhadaha iyo sidoo kale aruurinta canshuuraha, waxa ayna raggan qaarkood qirteen in Al Shabaab katirsan yihiin.

Ciidanka nabad sugida Soomaaliya ayaa marar badan gacanta ku dhigay xubno badan oo katirsan Al Shabaab , kuwaa oo si dhuumaaleysi ah shaqadooda uga waday deegaanno dowladda maamusho.

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada.

Axad 19 May 2024 {HMC} Howgal qaatay muddo 24 saac ah ayeey Ciidanka Boliiska Qeybta Guud kusoo qaqabteen dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux kuwaas...

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

WARARKA