Monday, May 20, 2024
spot_imgspot_img

Diyaarad nooceedu ahaa Boeing 767 Cargo Plane oo Shil ku gashay garoonka Diyaaradaha magaalada Istanbul.

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Diyaarad nooceedu ahaa Boeing 767 Cargo Plane oo ay leedahay shirkadda FedEx Express ayaa lagu soo waramay inay si degdeg ah ugu degtay garoonka diyaaradaha ee magaalladda Istanbul ee dalka Turkiye, kadib, markii uu u bixi waayey Taayarka hore.

Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada iyo warbaahinta qaar ayaa waxaa la arki karaa diyaaradda oo foolka hore dhulka herdiyey, markii ay sida deg dega ah uga degtay garoonka Istanbuulo.

Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha ee dalka Turkiye, Abdulkadir Uraloglu ayaa sheegay in aysan cidna wax ku noqonin shilkaasi iyaaradeed, iyadoo shaqaalihii diyaaradda si nabbad ah loo daad-gureeyey.

Diyaaradda oo tirsiga duullimaadkeeda ahaa (Flight Number) FX 6238 ayaa waxay isaga kala gooshaysay garoonka Charles de Gaulle ee caasimadda dalka Faransiiska ee Paris iyo garoonka magaalladda Istanbul ee dalka Turkiye.

Diyaarada waxay horaadka hore dhigatay dhabaha ay diyaaradaha ka hinqadaan, kuna soo degaan ee Runway 16R ee garoonka magaalada Istanbul, waxaana si KMG ah loo xiray duullimaadkii garoonkaasi.

Docda kale, kooxaha gurmadka garoonka iyo dab-damiska ayaa waxay ku hawlan yihiin sidii diyaarada cilladaysan ee dhorkadda FedEx looga qaadi lahaa dhabaha Runway 16R iyo inay dib u bilowdaan duullimaadyadii garoonka Istanbul.

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada.

Axad 19 May 2024 {HMC} Howgal qaatay muddo 24 saac ah ayeey Ciidanka Boliiska Qeybta Guud kusoo qaqabteen dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux kuwaas...

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

WARARKA