Monday, May 20, 2024
spot_imgspot_img

Nin Dil argagax leh ka geestay Hargeysa oo la qabtay

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen, kaa uu geestay nin mindi ku hubeysnaa.

Dilka oo ka dhacay xaafada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa ayaa loo geestay Cabdixakiin Aadan C/laahi , waxaana dilkaasi ku eedeysan oo toorey ku fuliyay Jimcaale Maxamed Maxamuud.

Ciidamada booliiska magaalada Hargeysa ayaana howlgallo deg deg ah ay sameeyeen ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan ninka dilka geestay, waxaana ninkan hadda ku xiran yahay saldhig kuyaalla Hargeysa, iyadoona ku socdaan baaritaanno.

”Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysane Jimcaale Maxamed Maxamuud ina Nasra X Cabdi da’da17 jir ah , kaasoo ku eedaysan inuu xalay abbaaro 11:00, Mindi ku dilay Marxuum: Cabdixakiin Aadan C/laahi ina Hinda Cismaan da’da18 jir ah, eedeysanaha gacanta ciidanka ayuu hadda ku jiraa” ayaa lagu yiri warka booliiska.

Booliiska Somaliland ayaana sheegay in gacankudhiiglaha loo gudbin doono laamaha garsoorka marka baarista dhammaato, waxa ayna sheegeen cid kasta oo dambi geesata aysan ka baxsan doonin gacanta laamaha ammaanka iyo tan caddaaladda.

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada.

Axad 19 May 2024 {HMC} Howgal qaatay muddo 24 saac ah ayeey Ciidanka Boliiska Qeybta Guud kusoo qaqabteen dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux kuwaas...

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

WARARKA