Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Shan Askari oo Ciidamada Pakistan looga dilay weerar jidgal ah

Isniin jan-14 2024-{HMC}  Inta la xaqiijiyay ilaa askari oo ka tirsan ciidamada Pakistan ayaa ku dhintay kadib markii gaariay wateen lagu dhuftay bam ka dib iska horimaad ay la galeen maleeshiyaad ku sugnaa koonfurta-galbeed eegobolka Balochistan.

Dhacdadan ayaa ka dhacday degmada Kech ee ee gobolka qalalaasuhu ka jiraan, halkaas oo milatarigu ay tobanaan sano kula dagaallamayeen fallaago hoose.

“Argagixisadu waxay qarxisay gaari ay wateen ciidamadda ammaanka, waxaana xigtay rasaas xooggan oo la is weydaarsaday,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay milateriga.

Askarta oo iska-caabin badan sameysay ayaa da’doodu waxa ay u dhaxaysay 23 ilaa 25 jir.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Intii uu howlgalka socday, shan askari oo geesiyaal ah, si aad ah ayay u dagaalameen, naftoodana u hureen, waxayna qaateen Shahadat (shahada)”.

Askarta ayaa da’doodu waxa ay u dhaxaysay 23 ilaa 25 jir. Illaa haatan, ma jirto koox si ramsi ah u sheegatay mas’uuliyadda falkan lala xiriirinayo kooxo gacansaar la leh Al-Qaacida.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA