Ra’iisul wasaaraha Somaliya oo sheegay in muddo xileedka dowladda yahay 5 sano

0
12

Talaado 21 april 2026 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa shaaciyay in muddo xileedka Madaxweynaha iyo Dowladda yahay muddo shan sano ah, isla markaasna uu dhaqan galay Dastuurka cusub.

Ra’iisul wasaaraha oo khudbad dhinac badan taabaneysay ka jeediyay xarig jarka dhismaha Xarunta dhexe ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS ayaa jawaabo siiyay Xubnaha Mucaaradka ee ku doodaya inuu weli shaqeynayo Dastuurka Kumeel Gaarka ahaa ee la anxisixyay 2012.

“Dastuurka 2012 baa sax ah, haddana waqtiga waa dhammaaday waa wax aan macquul ahey, muddo xileedka dowladda waa shan sano” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha oo la hadlay Mucaaradka ayaa yiri “Siyaasiga Mucaaradka waa inuu Ilbaxo, waa laga gudbay xilligii isku hanjabi jiray, Amniga waa sugan yahay”

Ugu dambeyn, Ra’iisul wasaaraha ayaa xaqiijiyay qorshaha lagu kala saaray Golaha Fulinta iyo Sharci Dejinta, isagoo tilmaamay in wasiirada ay kala dooran doonaan labada hay’adood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here