Talaado 21 april 2026 {HMC} Sida ilo diblumaasiyadeed ay tilmaamayaan, Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in ay helaan diyaaradaha dagaalka casriga ah ee JF-17, kuwaas oo qiimahooda lagu qiyaasay in ka badan $900 milyan oo Dollar.
Tallaabadan ayaa la filayaa in ay xoojiso awoodda hawlgallada cirka, gaar ahaan dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ee ka socda gudaha Soomaaliya.
Diyaaradda JF-17 waa dagaal-yahan casri ah oo ay si wadajir ah u sameeyeen Pakistan Aeronautical Complex iyo Shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee Chengdu Aircraft Corporation.
Nooca waa kan ugu horumarsan, waxaana lagu qalabeeyay radar casri ah, nidaamyo elektaroonig ah oo horumarsan, iyo awood uu ku qaadi karto hub hagitaan sax ah leh.
Diyaaraddan waxaa lagu tilmaamaa mid qiimo ahaan ka jaban diyaaradaha reer galbeedka, balse leh awood dagaal oo sare.
Dalalka hadda isticmaala diyaaraddan waxaa ka mid ah Pakistan, Myanmar, iyo Nigeria, halka dalal kale ay xiiseynayaan.
Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa xilli ay Soomaaliya laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd oo ay muddo dheer ku, taas oo u oggolaaneysa dowladda in ay si rasmi ah u iibsato hub casri ah, dibna u dhisto awoodda ciidamadeeda.
Haddii heshiiskan la xaqiijiyo, helitaanka diyaaradaha JF-17 waxa uu noqon karaa isbeddel weyn oo ku yimaada awoodda milatari ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca cirka oo muddo dheer liitay, inkastoo ay muhiim tahay in la helo tababar, dayactir iyo istaraatiijiyad cad oo lagu maareeyo isticmaalka diyaaradahaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kaasi oo la xiriira heshiiska helida Diyaaradaha casriga ah ee JF-17.



