Dowladda oo ka hadashay Go’aankii kasoo baxay Golaha Ammaanka.

0
75

Khamiis jan-18 2024-{HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika uu ku muujiyey sida uusan goluhu marnaba u ogoleyn in lagu xad gudbo Madaxbanaanida Dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda JFS ayaa lagu yiri” Waxaan uga mahadcelinayaa Golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika xaqiijinta ku aaddan

madaxbannaanida waddamada xubnaha ka ah AU, Itoobiya waxay heshiis sharci darro ah la saxeexatay gobolka waqooyi {Somaliland}, taasoo xadgudub ku ah madax-banaanida

Soomaaliya, dhex dhexaadin ma jirto ilaa Itoobiya ay taas saxdo oo ay ka noqoto MOU-ga sharci darada ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here