{DAAWO SAWIRADA} Mareykanka oo Kenya ugu deeqay dayuurado dagaal & Gaadiid Duug Ah

0
38

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} Kenya oo America ka heli doonta hub ay ka mid yihiin 16 helicopters iyo 150 gawaarida qafilan.

Lix iyo tobanka helicopter waxaa ka mid ah 8 helicopters nooca Hueys oo dagaalkii Vietnam 1969 lagu galay oo qaddiimi ah, looguna talogalay inay wax ka taraan dagaalka Shabaab lagula jiro. 8 helicopters oo iyaguna ah nooca qaddiimiga ah MD-500 lana sameeyey 1976.

Aqalka Cad oo ah hadlay, wuxuu sheegay, in hubkaas lagu xoojinayo Ciidammada Kenya, gaar ahaan dagaalka ay kula jiraan Shabaab.

Dayuuradahan gaboobay, waxay iman doonaan Nairobi inta u dhaxaysa 2024 iyo 2025.

Kenya waxaa kale oo ay heli doontaa 150 baabuurta gaashaaman nooca M1117. Baabuurtan waxay Kenya iman doonaan September 2024.

Kenya waxaa kale oo loo ballanqaaday, in lagu dari doono program-ka loo yaqaan Operation Gallant Phoenix oo ah program ay dalal badan ku jiraan oo la iskaga kaashado macluumaadka khuseeya argagixisada.

Maraykanku wuxuu kordhinayaa tababaridda uu siiyo ciidammada Milleteriga iyo badda Kenya.

Talaabadan uu qaaday Mareykanka ayaa timid ka dib booqashadii uu Washington ku tagay Madaxweynaha Kenya Wiliam Ruto.

443820750 458896993215474 4342830917323426705 n 443719273 458896923215481 100472484656789165 n 443717012 1047758196705453 1006315214309960380 n 444227875 458897033215470 7978856883884174132 n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here