{DAAWO SAWIRADA}MD Hirshabeee oo Kulan La Qaatay Masuuliyiin Ka Socday Qaar Ka Mid Ah Hay,addaha UN-KA.

0
54

Talaado 28, May 2024, {HMC}Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe} madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin ka kala socotay Hayโ€™addaha UNICEF, WFP, IOM iyo OCHA.

Kulankan waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda, xubno ka tiran Golaha Wasiirrada iyo maamulka degmada Jowhar.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay madaxa UNICEF ee Soomaaliya Wafaa Saciid waxaana diirrada lagu saarayay howlaha Haโ€™yaddahaasi ay ka wadaan deegaannada Dowladda Hirshabeelle.

Ugu horreeyn madaxda Hayโ€™addaha ayaa sharraxay dhammaan mashaariicda ay ka wadaan Hirshabeelle waxana ay xuseen inay dardargelin doonaan.
โ€œWaxaan idin ku boogaadinayaa shaqadda aad la wadaan Hirshabeelle, si gaar ah waxaan idin kaga mahadcelinayaa mashaariicda Sabbuuni iyo Damal.โ€

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray masuuliyiinta Hayโ€™addihii uu maanta kulanka la qaatay inay xafiisyo iyo wakiilo rasmi ah ku yeeshaan deegaanada Dowladda Hirshabeelle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here