Webi ku yaalla Nigeria Dad badan oo ku dhinten dooni kula degtay

0
17

Khamiis 4 Sep 2025 {HMC} Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waa la soo badbaadiyey kadib markii doon ay saarnaayeen in ka badan 100 qof ay ku degtay gobolka Niger ee woqooyi-bartamaha Nigeria, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

Doonida ayaa ka baxday tuulada Tungan Sule ee degmada Malale maalintii Talaadada, iyadoo ku sii jeeday tuulada Dugga ee harada Kainji.

Sida ay ku warrantay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee Gobolka Niger, shilka ayaa yimid kadib markii doonta ay ku dhacday geed ku hoos jiray biyaha agagaarka deegaanka Gausawa ee degmada Borgu.

Hay’adda ayaa sheegtay in sababaha keentay shilka loo aaneynayo culayska xad-dhaafka ah iyo isku dhaca doonta iyo geedka biyaha hoostiisa yaallay.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in doonta ay saarnaayeen dad ay kamid yihiin haween iyo carruur u socday magaalada Dugga si ay uga qeyb galaan tacsi.

Guddoomiyaha degmada Borgu, Cabdullahi Baba Ara ayaa sheegay in tirada dhimashada ay sii kordhayso, islamarkaana howlaha samatabbixinta ay socdaan si loo helo dadka weli maqan.

“Dhimashadu waxay gaartay 60 qof,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Shilalka Doonyaha ayaa ku badan dalka Nigeria, iyadoo dadka intoo badan ay si xad dhaaf u raacaan doonta lana saaro rar ka badan inta loogu talagalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here