Ciidamada Eritrea oo gudaha u galay Dalka Itoobiya.

0
54

Jimco, 14, Nov 2025 {HMC} Dawladda Itoobiya oo markii ugu horeysay xaqiijisay in ciidanka Dowladda Eritrea ay ku sugan yihiin gudaha wadankeeda gaar ahaan Deegaanka Maamulka deegaanka ee Tigrayga.

“Ciidanka Eritrea waxa ay haystaan oo ay maamulaan dhul badan oo Woqooyiga Itoobiya ah, waxa ay hub iyo saanad ciidan ku taageeraan xoogagga dagaalka nagula jira” ayeey tiri Dowladda itoobiya.

Talaabadan ay qaaday Dowladda Eritrea ayaa waxaa ay imaaneysaa xili ay ka dhaxtaagan tahay labada dal xiisad dagaalka oo gaartay heerkii ugu sareeyay mudooyinkii danbe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here