Maxay kuhisheyen Golihii Kumeel-gaarka ahaa ee Koofurta Yemen (STC)?

0
25

Jimco 9 Jun 2026 {HMC} Xubnaha Golihii kumeel-gaarka ahaa ee Koofurta Yemen ee loosoo gaabinayay STC ayaa ku heshiiyay in guud ahaan la kala diro Hay’adaha kala duwan uu golahaas ka koobnaa si loosoo dhiso Dowlad mid ah sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay.

Teleefishinka Qaranka Jamhuuriyadda Yemen oo laga baahiyay warkaan ayaa lagu sheegay in Golahaan uu diiradda saarayo maslaxada guud si meesha looga saaro kala qaybsanaanta siyaasadeed ee aafada ku noqotay Koofurta Dalkaas.

Caydaruus Al-Zubaydi oo mar isku dayay in uu Koofurta Yemen ka gooyi dalkaas intiisa kale ayaa ka baxsaday waddankaas kaddib markii Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo ciidamo dalkaas u dhashay oo kasoo horjeeda ay awood u sheegteen.

Al-Zubaydi oo siyaasaddiisu ku xirnayd Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa guuldaraystay maadaama la helay in uu Israa’iil ka raadinayay Aqoonsi dal ka madaxbannaan Yemen inteeda kale, waxaana uu isaga baxay Dalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here