Axad 1 March 2026 {HMC} Hal qof ayaaku dhintay ugu yaraan toddobo kalena waa la dhaawacay intii uu socday “dhacdadan” garoonka diyaaradaha ee Zayed International Airport ee Abu Dhabi, sida uu sheegay maamulka garoonka saqdan dhexe ee Axada, kaddib weeraro ay Iiraan ku qaadeen Imaaraadka Carabta iyo dalalka Gacanka.
Bayaanka garoonka diyaaradaha ee Abu Dhabi, wuxuu intaa raaciyey in dhacdadaas garoonka ay sabbatay dhimashada hal qof oo muwaadin Aasiyaan ah iyo dhaawac toddobo kale
Imaaraadka Carabta ayaa cambaareeyay weerarrada Iiraan ay ku qaaday dhulkeeda, iyagoo ku tilmaamay “xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida qaranka iyo sharciga caalamiga ah”.






