WAR DEG DEG AH Iiraan oo ku dhawaaqay in ay Xireyso Badda Cas illaa Gacanka Cumaan.

0
15

Arbaco 15 april 2026 {HMC} Iiraan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay xireyso oo ay ka hortagayso wax maraakiib ganacsi ah inay maraan Badda Cas illaa Gacanka Cumaan , haddii Mareykanka uu sii wado qorshaha uu isku dayayo inuu go’doomiyo dekedaha Iiraan, sida uu shaaciyay taliyaha xarunta taliska guud ee Khaatam al-Anbiya ee ciidanka Iiraan, Ali Abdollahi Aliabadi.

Trump,isagoo ka dab qaadanaya Netanyahu wuxuu dunidda u sheegay inuu ka hortagayo khatarta Iiraan oo dhibaato taagan joojinayo, balse go’aanka Trump wuxuu dhaliyay dhibaatooyin aan horey u jirin,laga billaabo xirnaashaha Hormuz oo saameysay dunidda oo dhan iyo hanjabaada Iiraan ka soo baxaysa ee Badda Cas iyo Gacanta Cumaan, taa oo haddii ay dhacdo burbur dhaqaale iyo sicir barar aan horey loo arag dunidda dhexda u galinaysa.

Ku sii dhex jirka dagaalkan, wuxuu daqiiqad kasta sare u qaadayaa Trump oo luminaya saameyntiisa iyo Iiraan oo sare u qaadaysa kaararkeeda cadaadiska caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here