spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Taliyaha ciidamada xoogga Ayaa kulan la qaatay u qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee...

Taliyaha ciidamada xoogga Ayaa kulan la qaatay u qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya .

0
10

Axad 1 March 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay u qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya Antonino Mazzocca

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada ciidan.

Taliyaha XDS ayaa Dowladda Talyaaniga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo qalabaynta.

Dhankiisa, U-qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Talyaaniga, Captain (Navy) Antonino Mazzocca, ayaa caddeeyay in dowladdiisu ka go’an tahay sii wadidda taageerada iyo iskaashiga, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay nabadda iyo xasilloonidu u leeyihiin Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here