Soomaaliya oo Garsoore Cabdiwahaid Warsame Cabdullaahi ku yeelatay Maxkamadda Cadaaladda Bulshada Bariga Afrika (EACJ)

0
14

Axed 8 March 2026 {HMC} Hoggaamiyeyaasha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa ansixiyey magacaabista muwaadin Soomaaliyeed Garsoore Cabdiwahaid Warsame Cabdullaahi inuu noqdo garsoore ka tirsan Qaybta Heerka Koowaad (First Instance Division) ee Maxkamadda Cadaaladda Bulshada Bariga Afrika (EACJ), intii uu socday shir-madaxeedkii 25-aad ee madaxda dalalka xubnaha ka ah ururka oo lagu qabtay magaalada Arusha.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaal kale oo ka tirsan gobolka, oo ay ku jirto Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan, oo ah dalka martigeliyay shirka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Ilyaas Cali Xasan, ayaa soo dhoweeyey go’aankaas, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Bariga Afrika.

“Waxaan hambalyo diirran u dirayaa Garsoore Cabdiwahaid Warsame Cabdullaahi oo loo magacaabay Garsoore ka tirsan Qaybta Heerka Koowaad ee Maxkamadda Cadaaladda Bulshada Bariga Afrika, taas oo maanta lagu ansixiyey shir-madaxeedkii 25-aad ee Madaxda Dowladaha Bulshada Bariga Afrika,” ayuu Xasan ku yiri bayaan uu soo saaray

“Waa guul iyo sharaf u soo hoyatay Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka,” ayuu intaas ku daray, isaga oo muujiyey kalsooni ah in khibradda Cabdullaahi ay ka qeyb qaadan doonto xoojinta caddaaladda iyo ku dhaqanka sharciga ee ururka.

Soomaaliya ayaa ku biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC) sanadkii 2023, iyadoo noqotay dalkii sideedaad ee xubnaha ka ah ururka, kuna biirtay dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi, South Sudan iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Ku biiristaas ayaa loo arkay tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya u qaaday dhinaca xoojinta isdhexgalka gobolka iyo ballaarinta iskaashiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay la leedahay dalalka Bariga Afrika.

Maxkamadda Cadaaladda Bulshada Bariga Afrika (EACJ) oo xarunteedu tahay Arusha, ayaa ah garabka garsoorka ee ururka EAC, waxayna qaabilsan tahay khilaafaadka la xiriira fasiraadda iyo hirgelinta heshiiska iyo sharciyada ururka. Maxkamaddu waxay u qaybsan tahay laba qaybood: Qaybta Heerka Koowaad (First Instance Division) oo marka hore dhageysata dacwadaha, iyo Qaybta Rafcaanka (Appellate Division) oo qaabilsan racfaannada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here