Talaado 10 March 2026 {HMC} Ciidamada ilaalada kacaanka Wadanka iiraan ayaa shuruud ku xiray wadamada doonaya in ay maraan marin biyoodka muhiimka ah ee Hormoz.
Bayaan ay soo saareen ayay lagu sheegay: “Wadanka Carbeed ama Yurub ee ka erya safiirrada Israel iyo Mareykanka dhulkiisa, wuxuu heli doonaa awood buuxda iyo xorriyad buuxda oo uu ku mari karo Strait of Hormuz.”
Dowladda Iiraan ayaa horey ugu dhawaaqday in ay xireen marin biyoodka Hormuz ayna beegsanayaan maraakiibta marta.



