Taliyaha Ciidamada dalka Iiraan oo ku dhawaaqay in dalkiisa uusan jooji doonin dagaalka Bariga dhexe

0
5

Talaado 10 March 2026 {HMC} Taliyaha Ciidamada Khaatamul Anbiyaa ee dalka Iiraan ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa uusan jooji doonin dagaalka Bariga dhexe ka socda, diyaarna ay u yihiin in ay sii wadaan illaa laga xaqiijinayo yoolalka Tehran leedahay.

“Marnaba ma dhici doonto in cadowgu nasoo weeraro kolka uu rabo, haddana uu dagaalka joojintiisa go’aamiyo—Madax, shacab & ciidanba, waxaan diyaar u nahay in aan aarsanno” ayuu yiri Ali Abdollahi oo hadda ah hoggaanka Ciidamada gaarka ah ee loo yaqaanno Khaatamul Anbiyaa.

Hadalkan ayaa ka dhigan in Iiraan ay ka go’antahay in ay xaqiijiso yoolal adag oo ka duwan dagaalkii 12-ka maalin ee dhacay sanadkii hore 2025. Tehran ayaa ku dadaaleysa in ay hesho damaanad qaad buuxa oo caddeynaya in aan dib loo weerari doonin & in ay hesho nafis ku aaddan fududeynta xayiraadda muddada dheer saarneyd.

Dagaalka bilowday 28-kii Febaraayo ee 2026 ayaa saameyn adag ku yeeshay dunida, waxaa hadda socda dadaallo diblumaasi ah oo xal lagu raadinayo, laakiin weli lama hayo waqti sax ah oo heshiis la gaari karo & cid si gaar ah u damaanad qaadi karta fulinta rabitaannada labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here