Mareeykan oo Duqeeymo Culus ka Fuliyey Puntland

0
6

Arbaco 11 March 2026 {HMC} Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay duqeyn cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Daacish oo farriisimo ku leh togga Baallade ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari

War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay howlgalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ka dhacday meel qiyaastii 70 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso.

 

AFRICOM, oo garab ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan howlaha lagu wiiqayo awoodda ISIS-Somalia, si looga hortago khatar ay ku yeeshaan gudaha Mareykanka, ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dibadda.

Maraykanka wax faahfaahin kama bixin khasaaraha ka dhashay duqeynta ka dhanka ah talisyada Daacish-ta ku dhuumaalaysata meelo ka mid ah buuraleyda Calmiskaad.

Duqayntan ayaa kusoo aadday xilli ay Puntland hoos u dhigtay howgalladii lagula dagaalamay Daacish, iyadoo Calmiskaad kasoo saartay ciidamadii halkaaa kula dagaalamayay kooxd Daacish.

Puntland ayaa aaminsan in tiro oo firxad ah ay ku go’doosan yihiin Calmiskaad, kuwaas oo ay sheegtay in laga jaray sahaydii ay ka heli jireen dad u shaqeeya oo si qarsoodi ah ugu gudbin jiray raashinka iyo xoolaha.

Maraykanka ayaa taageero weyn oo dhanka duqeynta iyo xogta ah, Puntland ka siiyay dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish oo muddo hal sano ka badan ka socda Calmiskaad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here