Khamiis 12 March 2026 {HMC} Ciidanka Booliska ee degmada Buurtinle ayaa hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen ku soo qabtay khamri tiro badan, hub iyo gaadiidkii lagu waday.
Hawlgalka ayaa Inta lagu guda jiray hawlgalka ayaa lagu qabtay laba gaari oo nooca Probox ah, laba eedeysane, laba qori, labo boosh, 16 kartoon iyo 10 dhalo oo khamri ah.
Taliyaha saldhigga Buurtinle Axmed Saandal, Taliyaha Kastamka Botaan Cawl iyo Taliye ku-xigeenka Kastamka Saalax Maxamed ayaa warbaahinta u soo bandhigay khamriga iyo agabka kale ee la qabtay.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale warbixin siiyay maamulka degmada oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada Axmed Dheereeye iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in eedeysanayaasha iyo agabka la qabtay loo gudbin doono hay’adaha caddaaladda si sharciga loo mariyo.
Howlgalkan ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyay degmada Buurtinle ay ka socdeen baaritaano iyo hawlgallo lagula dagaallamayo waxyaabaha maanka dooriya iyo dadka hubka sharci darrada ku wata gudaha degmada.



