DFS oo ka hadashay kororka qiimaha Shidaalka.

0
12

Khamiis 12 March 2026 {HMC}Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay kororka ku yimid qiimaha shidaalka ee dalka, waxayna baaq u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, Cabdiwahaab Cabdi Caanuug, oo ka hadlayay xaaladda taagan, ayaa xusay in Soomaaliya ay 90% shidaalkeeda ka keensato dibadda, gaar ahaan dalka Iiraan, balse ay muhiim tahay inaan dhibaatada caalamiga ah ee jirta loo adeegsan in culays dheeraad ah lagu saaro shacabka.

“Ganacsatada shidaalka waxaan ugu baaqeynaa inaysan macaash aan xalaal ahayn ka raadin bulshada Soomaaliyeed ee xilligan wajahaya xaaladaha isbiirsaday ee isugu jira bisha barakaysan ee Ramadaan iyo abaarta baahsan ee ka jirta dalka. Ma ahan wax la aqbali karo in maalinta dhibaatadu jirto laga faa’iideysto muwaadiniinta tabaalaysan.” ayuu yiri Wasiir ku xigeen Caana-nuug.

Wasiir ku xigeenka ayaa qiray inuu la socdo duruufaha ay wajahayaan ganacsatada, isagoo xusay in qiimaha shidaalka laga soo iibiyo suuqyada caalamiga ah uu sare u kacay, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in muwaadiniinta aan dusha laga saarin wax ka badan inta ay xaqqa u leeyihiin iyo faa’iido xad-dhaaf ah.

Hadalkan ka soo yeeray dowladda ayaa ku soo beegmaya xilli ay maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho iyo qaybo kale oo dalka ah ka dhacayeen bannaanbaxyo ay dhigayeen darawallada gaadiidka Bajaajta, kuwaas oo ka cabanaya in qiimaha shidaalka uu gaaray heerkii ugu sarreeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here