Maxay Jaamacadda Carabta katiri dhammaystirka Dastuurka Dalka?

0
5

Jimco 13 March 2026 {HMC} Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit ayaa soo dhaweeyay dhammaystirka Dastuurka Dalka oo dib u eegis lagu sameeyay, waxa uu bogaadiyay Baarlamaanka Federaalka iyo hay’adihii kasoo shaqeeyay arrintaan.

Tallaabadaan ayuu ku tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta nidaamka Dastuuriga ah ee Dalka, waxa uu xusay in Jaamacadda Carabta ay si xushmad leh usoo dhawaynayso shaqadaan laga qabtay Dastuurka oo muddo kumeel-gaar ahaa.

Afhayeenka rasmiga ah ee xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta oo lagu magacaabo Gamal Roshdy ayaa ansixinta Dastuurka waxa uu ku sheegay in hannaan qaran oo ballaaran loo maray, wixii tabasho ahna la xaliyo sida uu yiri.

Waxa uu bogaadiyay horumarka laga gaaray tallaabada lagu dhammaystiray Dastuurka Soomaaliya, Shacab iyo Dowlad ayuu ugu baaqay in la sal adkeeyo sidii loo xaqiijin lahaa guullaha laga gaaray shaqada laga qabtay Dastuurka Dal.

Waxa ay xubin buuxda ka tahay Ururka Jaamacadda Carabta, Xildhibaanno ayay ku leedahay Ururkaas, halka sidoo kale door firfircoon ka qaadato kulamada heer Wasiir ilaa Madax ee looga hadlayo xaaladaha Dalalka xubnaha ka ah Ururkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here