Soomaaliya oo garab u muujisay Qatar kadib markii la weeraray.

0
6

Sabti 14 March 2026 {HMC}  Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga ee Qatar, Sheikh Saud bin Abdulrahman bin Hassan Al Thani.

Intii lagu guda jiray wada-hadalka, Wasiir Fiqi ayaa muujiyay taageerada iyo garab-istaagga buuxa ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Qatar, kaddib weerarradii dhawaan lagu beegsaday gudaha dalkaas.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay weerarradaas, isaga oo ku tilmaamay falal xadgudub ku ah amniga iyo madaxbannaanida Qatar, isla markaana ka hor imanaya qawaaniinta iyo mabaadi’da caalamiga ah.

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay kalsoonida ay Soomaaliya ku qabto in Dowladda Qatar ay ka gudbi doonto caqabadaha jira, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here