Sabti 14 March 2026 {HMC} Dowladda Shiinaha ayaa fursad wayn ka heshay dagaalka labada todobaad ka socda bariga dhexe ee u dhaxeeya Maraykanka, Israa’iil & Dalal kale oo garab siinaya iyo Iiraan oo kasoo horjeeda iska caabbinaysa duullaankaas dhowrka jiho ah.
Shiinaha ayaa war uu ku farxay ka helay Iiraan kaddib markii Tehran ay dhiggeeda Beijing u sheegtay in aanay hor istaagi doonin Maraakiibta Shidaalka ee dalkaas u socda iyo kuwa aqbala in ay wax ku iibsadaan lacaga Yuan ee dalkaas uu leeyahay.
Sarkaal katirsan Iiraan oo la hadlay Warbaahinta CNN ee Maraykanka ayaa sidaasi u xaqiijiyay, waa go’aan cusub oo jiho kale u jeedinaya dagaalka bariga Dhexe maadaama Beijing ay ku qasbanaan doonto difaaca dhiggeeda Tehran oo dhowr jiho laga weerarayo.
Maraykanka ayaa doonayay in uu naas nuujiyo Ruushka si uu Dalalka Yurub u siiyo Shidaalkiisa oo sanado kahor u xayireen duullaankii Moscow ay ku qaadday dhiggeeda Ukraine, waxaa halkas ka dhashay tartan la xiriira Dalalka dhaqaalaha badan haysta.
Washington waxaa horyaalla labo daran mid dooro waana in Ruushka ama Shiinaha mid uun ka faa’iidaysto dagaalka ka socda Bariga Dhexe si uu dhaqaale badan uga sameeyo xakamaynta qiima kororka shidaalka dunida ee dagaalkaas ka dhashay.



