IDF oo sheegtay in Iran ay gantaallo kusoo ridday Israa’iil.

0
4

Axad 15 March 2026 {HMC}  Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in Iran ay gantaallo ku garaacday Israa’iil.

Waxa ay sheegtay in nidaamyada difaaca ay ku howlan yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen khatarta, waxaana farriin taxadar leh loo diray taleefannada gacanta ee dadka ku nool meelaha ay dhibaatadu saameysey.

Waxay uga digaysaa dadweynaha inay galaan meelaha la ilaaliyo oo ay ku sugnaadaan ilaa amar dambe.

Wakaaladda wararka ee Fars News Agency oo xiriir la leh Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa ku warrameysa in mowjado cusub oo gantaallo ah laga soo riday dalka Iran halka kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ay sidoo kale gantaallo ama diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah u dirtay gobollada waqooyi ee Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here