FAAH FAAHIN Xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga oo galay weji cusub

0
6

Axad 15 March 2026 {HMC} Xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa galay marxalad cusub oo muujinaysa isu soo dhawaansho diblomaasiyadeed, amni iyo dhaqaale, kadib tallaabooyin is daba joog ah oo labada dhinac ay qaadeen bilihii ugu dambeeyay.

Isbeddelkan cusub waxaa si gaar ah uga muuqda mowqifyada cad ee Riyadh ee ku saabsan midnimada Soomaaliya, saxiixa heshiisyo cusub oo dhinaca difaaca iyo gaadiidka badda ah, iyo aqbalidda safiirka cusub ee Soomaaliya loo magacaabay dalkaas.

Dib u diirimaadka xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga lama fahmi karo iyada oo aan la eegayn isbeddellada waaweyn ee ka socda Geeska Afrika iyo hareeraha Badda Cas, halkaas oo ay si isa soo taraysa ugu loollamayaan quwadaha Khaliijka, gaar ahaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Jawigan cusub ee gobolka ayaa Soomaaliya ku riixay inay dib u habeyn ku sameyso xulafadeeda iyo xiriirrada ay la leedahay dalalka saameynta leh.

Mowqifka Sacuudiga ee taageerada midnimada Soomaaliya ayaa si cad u soo baxay horaantii sanadkan, markaas oo mas’uuliyiin sare oo Boqortooyada ah ay ku celceliyeen in Riyadh ay si buuxda u taageersan tahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Taageeradan ayaa timid xilli Muqdisho ay si xooggan u raadineysay taageero Carbeed iyo Islaami ah oo ka dhan ah tallaabo kasta oo dhaawacaysa jiritaanka dalka.

Xiriirka sii kululaanaya ayaa sii xoogeystay kaddib booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu bishii Febraayo ku tagay magaalada Qaahira, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Siisi. Kulankaasi wuxuu ku soo beegmay xilli Masar iyo Sacuudigu si dhow uga wada muuqdeen faylka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga, midnimada iyo xasilloonida gobolka.

Tallaabada ugu muuqata ee muujisay in xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudigu uu ka gudbay heer hadal iyo isu soo dhawaansho waxay timid 9-kii Febraayo, markaas oo Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Sacuudiga Amiir Khalid bin Salman ay Riyadh ku kala saxiixdeen is-afgarad milatari.

Heshiiskaasi wuxuu furay waddo cusub oo la xiriirta iskaashi dhinaca difaaca ah, tababar, taageero farsamo iyo xoojinta wada shaqaynta amniga ee labada dal.

Heshiiskaas wuxuu ahaa farriin cad oo muujinaysa in labada dowladood ay doonayaan in xiriirkooda laga dhigo mid ka baxa heerka diblomaasiyadda dhaqanka oo keliya, una gudba iskaashi amni oo la taaban karo. Soomaaliya oo weli wajahaysa caqabado amni oo waaweyn ayaa u aragta xiriirkan mid muhiim u ah xoojinta awoodda ciidankeeda iyo helitaanka garab gobolka ah.

Wax yar kaddib, labada dhinac waxay u gudbeen dhinaca dhaqaalaha iyo isku xirka badda, iyagoo kala saxiixday heshiis iskaashi oo la xiriira gaadiidka badda iyo horumarinta dekedaha. Heshiiskan wuxuu diiradda saaraya kor u qaadidda isku xirnaanta marin-biyoodka, kobcinta dhaq-dhaqaaqa rakaabka iyo badeecadaha, iyo xoojinta doorka dekedaha ee isku socodka ganacsiga gobolka.

Tani waxay muujinaysaa in xiriirka cusub uusan ku koobnayn arrimo siyaasadeed iyo amni oo keliya, balse uu si toos ah u taabanayo danaha dhaqaale iyo istaraatiijiga ah ee labada dal. Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer Afrika ayaa mudnaan gaar ah siinaysa iskaashi kasta oo kor u qaadi kara faa’iidaysiga dekedaheeda iyo doorkeeda marin-biyoodka gobolka.

Safiir cusub
Dhanka diblomaasiyadda, waxaa jiray calaamad kale oo cad markii ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga si rasmi ah u guddoontay nuqulka waraaqaha aqoonsiga safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya boqortooyada, Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid soo afjaraysa marxalad uu jiray gaabis iyo madmadow ku saabsan heerka xiriirka labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here