Dowlada Iiraan ayaa si kulul u cambaareysay tallaabada Israa’iil ay Safiir ugu soo magacowday Somaliland

0
10

Talaado 21 april 2026 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa si kulul u cambaareysay waxa ay ku tilmaantay faragelin iyo xadgudub lagu hayo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib markii Israa’iil ay sheegtay inay u magacawday wakiil diblomaasiyadeed degaanada Somaliland.

Afhayeenka wasaaradda, Ismaaciil Baqa’i, ayaa sheegay in tallaabadan ay muujinayso qorshe uu ku sheegay mid lagu wiiqayo xasilloonida dalalka Islaamka isla markaana lagu kala fogeynayo wadamada gobolka.

Wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana go’aankaasi uu si toos ah uga hor imanayo shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka dhigaya ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka.

Afhayeenku wuxuu carrabka ku adkeeyay in tallaabadan ay ka hor imanayso mabaadi’da Qaramada Midoobay, isagoo ku tilmaamay mid xadgudub ku ah madax-bannaanida, xorriyadda iyo dhulka dal madax-bannaan.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah sida Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Midowga Afrika, iyo guud ahaan beesha caalamka, inay si wadajir ah uga hortagaan waxa uu ku tilmaamay faragelin iyo damac ballaarin oo Israa’iil ka waddo dalalka kale.

War-saxaafadeedkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan doodaha ku saabsan xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhex abuurmaya Somaliland iyod Israa’iil arrintaas oo weli muran weyn ka taagan yahay gudaha iyo dibadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here