Talaado 21 april 2026 {HMC} Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay maxkamadaynta eedeysanayaasha dagaalamayaasha Daacish ISIS ee lagu qabtay dagaaladii ka dhacay Calmiskaad, kuwaas oo u badan ajaanib.
Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in dadka lagu soo qabtay falalka argagixisada ay yihiin kuwo dambigooda cad yahay, isla markaana aysan u baahnayn caddeymo dheeraad ah. “Kuwa aan Calmiskaad kasoo qabannay waa kiisas gaar ah oo aan u baahnayn marqaati badan, maxaa yeelay waxaa lagu qabtay iyaga oo falalkooda ku guda jira, dadkana dilaya,” ayuu yiri madaxweyne Deni.
Madaxweynuhu wuxuu xusay in dhibaatada ay geysteen kooxdan aysan ku koobnayn hal dhacdo, balse ay jiraan dad badan oo ay dileen, kuwo ay dhaawaceen, iyo kuwo kale oo aan weli xogtooda si buuxda loo hayn. Wuxuu intaas ku daray in xitaa kuwa dagaalka ku jira ama taageeraya ay yihiin kuwo caddeyntoodu muuqato.
Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale tilmaamay in dadka lagu helay taageeridda kooxaha argagixisada, kuwa sahayda u gudbiya, la shaqeeya, ama gacan siiya, ay iyaguna mutaystaan in la horgeeyo caddaaladda.
Hadalka madaxweyne Deni ayaa yimid, kaddib markii la dhaariyay maxkamadda ciidamada qalabka sida, taasoo dhawaan bilaabanaysa maxkamadaynta eedeysanayaasha .



