Ciidanka Gorgor oo howlgallo ka fuliyay inta u dhaxaysa Muqdisho & Jowhar.

0
14

Talaado 21 april 2026 {HMCCiidamada Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor ayaa howlgal ay isugu fureen Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, ciidankaan oo wata gaadiid iyo hub culus ayaa maray deegaanno muhiim u ah isu gudubkooda labadaan Magaalo.

Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor, Kornayl Aadan Maxamed Faarax oo hoggaaminayay ciidamadaan ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii la isugu furi lahaa Waddada 90ka Kiilo-mitir ah ee caasimadda & xarunta DG Hir-Shabeelle isku xirta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay howlgallada ay dib ugu furayso Magaalooyin muddo go’doon ku jira, waxaana howlgalkii kan ka horreeyay uu ahaa kii ay ku tageen Magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Baay.

Ciidanka Gorgor waxaa tababaray Turkiga, waxa ay wataan Gaadiid Gaashaaman iyo hubka casriga ah, waxa ay kaalin wayn ka qaateen howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo ka dhacay Deegaanno ka kala tirsan Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here