{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo Safar Dhulka Ah ku tagay Degmada Bardaale iyo deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay.

0
13

Isniin 20 april 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS, ayaa socdaal dhulka ah ku tegay Degmada Bardaale iyo deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay.

Ujeeddada safarka Taliyaha ayaa ahayd kormeer iyo u kuurgalid xaaladda geesiyaasha Ciidanka Degaanka ee ku sugan Degmada Bardaale.

Taliyaha ayaa sidoo kale kormeeray xerada Gaaska ee Ciidamada Bardaale, halkaas oo ay hore uga howlgali jireen guutooyinka Ciidamada Lugta iyo Madaafiicda ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliye Ibraahim ayaa tilmaamay muhiimadda istaraatiijiga ah ee xerada Gaaska Bardaale ay u leedahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo xusay doorka ay ka qaadaneyso howlaha difaaca iyo sugidda amniga.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa ka go’an xoojinta howlgalada ka socda deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Khawaarijta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here