Magaalada Baydhabo ayaa waxa kasocdo Howlgallo adag oo amniga lagu xaqiijinaayo.

0
8

Talaado 21 april 2026 {HMC}Ciidamada ammaanka ee magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay, ayaa wada howlgallo culus oo lagu baadi-goobayo kooxo hubeysan oo dil u geystay askar ka tirsanaa ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed, kadibna goobta ka baxsaday.

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah oo ku dhow hay’adaha ammaanka, howlgaladan ayaa si joogto ah waxa uu uga socda xaafado kala duwan oo magaalada ah, iyadoo ujeedadu tahay in la soo qabto ragga falkaas ka dambeeyay iyo in laga hortago falal kale oo amni darro ah.

Ciidamada Booliska iyo Milatariga ayaa si wadajir ah u fulinaya howlgallada, iyagoo baaritaanno iyo roondooyin ka sameynaya goobaha lagu tuhunsan yahay in ay ku dhuuman karaan eedeysanayaasha.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadu ay xoojiyeen dhaq-dhaqaaqyada amniga si loo xaqiijiyo xasilloonida magaalada.

Dhanka kale, masuuliyiinta ammaanka Baydhabo ayaa kulan degdeg ah yeeshay saacado kadib dhacdada, si ay uga tashadaan xoojinta amniga iyo tallaabooyinka lagula tacaalayo kooxaha iyo shaqsiyaadka falalka amni darro ka wada magaalada.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in marka la soo qabto tuhunsanayaasha, la horgeyn doono Maxkamadda Ciidamada, halkaas oo horey loogu qaaday dacwado la xiriira falal amni darro oo ka dhacay Baydhabo.

Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, balse ciidamadu waxay ku dadaalayaan in ay si degdeg ah gacanta ugu dhigaan dambiilayaasha si loo xaqiijiyo nabadgelyada shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here