Guddoomiye Aadan madoobe ayaa gaaray Baydhabo .

0
6

Axad 26 april 2026 {HMC}  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo ayaa billaabay ololaha musharraxnimadiisa hoggaamiyaha Koofur Galbeed.

Waxaa soo dhaweeyay Hoggaamiyaha kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji iyo mas’uuliyiin kale, waxaana uu gudagalay ololihiisa musharraxnimada, waxaa lagu wadaa in uu kulamo gaargaar ah la qaato xubno kala duwan.

Magaalada Baydhabo waxaa dhowaan lagu wado in ay ka dhacdo Doorashada isku sidkan ee Golaha Deegaanka iyo tan Deegaanka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed sida uu sheegay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here