Madaxweynaha Soomaaliland oo cambaareeyey weerarkii ka dhacay xafladii cashada ee Trump

0
7

Isniin 27 april 2026 {HMC} Madaxweynaha jamhuuriyadda madax bannaanideyda ku dhawaaqday ee Soomaaliland Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X, ku dhaleeceeyey wararkii ak dhacay xafladdii cashada ahayd ee Trump uu u sameeyey weriyeyaasha.

Qoraalka ayuu ku yiri Cirro, “Aad ayaan uga xumahay isku daygii weerar ee Maraykanka Madaxweyne Donald Trump, waana ku faraxsanahay in Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Marwada Koowaad, iyo dhammaan inta kale ay nabad qabaan, Somaliland waxay si aan gabasho lahayn u cambaareeneysaa dhammaan nooc kasta oo rabshad ah, waa ay ka reeban yihiin dimoqaraadiyadda”.

Qoraallka uu madaxweynuhu soo dhigay ayaa lagu soo gababeeyey “Waxaan si garab taaganahay Maraykanka”.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku sheegtay Cole Tomas Allen, oo 31 jir ah, inuu yahay eedeesanaha loo xiray falkaan, ka dib markii ay booliisku sheegeen inuu rasaas ku furay meel u dhow bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku sugnaayeen intii ay socotay dhacdada. Waxaa lagu wadaa in maanta oo isniin ah la soo taago maxkamada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here