Maxaa ka ka jiro in la Maxkamadeynayo Ra’isul Wasaare Netanyahu.

0
9

Isniin 27 april 2026 {HMC} Warbaahinta The Jerusalem Post ayaa sheegtay in qiyaastii 90 daqiiqo ka hor waqtiga ay bilaaban lahayd maxkamadda ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, “si kedis ah loo baajiyay”, iyadoo uu codsaday qareenkiisa.

Mudane Netanyahu waxaa loo qorsheeyay inuu maanta ka markhaati furo dhageysi maxkamadeed oo ciqaabeed kadib dib u dhac ku dhowaad lix toddobaad ah.

Tani waa markii saddexaad ee dhageysiyada maxkamadda dib loo dhigo sababo la xiriira colaadda Israa’iil ee Gaza iyo dagaalka ay kula jirto Xisbullaah.

Weli si rasmi ah looma shaacin sababta keentay dib u dhaca dhageysiga maxkamadeed ee maanta.

Kiiskaan Netanyahu ee maxkamadeynta ayaa socda muddo shan sano ah, isaga oo salka ku haya saddex dacwadood oo kala duwan oo lagu eedeeyay oo kamid yihiin laaluush, khiyaano iyo ku takri-fal awood.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa dayrtii hore ka codsaday madaxweynaha Israa’iil cafis arrintan la xiriira.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here