Isniin 27 april 2026 {HMC} Waxaa maanta lagu wadaa in maxkamad la soo taago Eedeysanaha weerarkii ka dhacay Maqaaxi ay ku sugnaayee Wariyayaal ka tirsan Aqalka Cad ee Magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka habeenkii Sabtida.
Eedaysanaha ayaa warbaahinta Maraykanku waxa ay magaciisa ku sheegeen Cole Tomas Allen oo 31 jir ah, kana soo jeeda magaalada Torrance ee gobolka California.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka Todd Blanche ayaa sheegay in “natiijooyinka hordhaca ah” ay muujinayaan in eedeesanaha uu bartilmaameedsanayay madaxdii ku sugneyd goobta, gaar ahaan Trump laftiisa inuu ahaa bartilmaameedka ” ayaa suurtagal ah “.
Wax ka yar hal saac ka dib dhacdada, Trump wuxuu ku sheegay qoraal uu soo dhigay Truth Social, “Qofkii toogashada geystay waa la qabtay”, isaga soo raaciyey masswirka kore.
Waxaa la filayaa in maanta uu kasoo muuqdo maxkmadda isaga oo lagu qaadayo dacwad la xiriira weerar uu u geystay sarkaal ka tirsan dowladda federaalka iyo in uu isticmaalay qoriga uu watay xilli uu ku jiray fal-dembiyeed. Eedaymo kale oo federaali ah oo gadaal laga sheegi doono, ayuu yiri Blanche.



