Ganacsato Soomaliyed oo Lagu dilay K/Africa.

0
5

Isniin 27 april 2026 {HMC} Kooxaha burcadda ah ee Dalka Koofur Afrika ku beegsanayso Soomaalida ku ganacsatada Dalkaas ayaa sii korortay sida ay Warbaahinta  u sheegeen ilo kala duwan, muddo todobaad ah waxaa lagu beegsaday dhowr ruux oo qaarkood la dilay.

Qofkii ugu dambeeyay ee la dilay Koofur Afrika gaar ahaan Cape Town waa Allaha U Naxariistee Cabdullaahi Mukhtaar Cumar oo muuqaal laga duubay isaga oo la toogayo muuqaalkaasi ayaa ku faafay baraha Bulshada.

Booliiska ayaa lagu eedeeyayin uu ka caga-jiidayo arrintaan waana tan keentay in kooxaha dilka iyo dhaca gaysanayaan ay kordhaan weliba ay muuqaallo iska duubaan iyaga oo fulinaya falalkaas si ay u cabsi geliyaan Soomaalida kale.

Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koofur Afrika ayaa Mustaqbal u sheegay in ay cabsi gelin ay ku hayaan kooxaha hubaysan ee Burcadda ah kuwaas oo lacago waydiista mararka qaar oo haddii ay bixin waayaan dila ama weerara.

Inta la xaqiijiyay 7 ruux ayaa bishaan April oo lagu dilay Dalka Koofur Afrika, Saraakiil katirsan Booliiska goobaha dilalku ka dhaceen oo goobta tagay ayaa baaris sameeyay mana jirto natiijo kasoo baxday oo dib loogu celiyay sida ay ku warrameen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here