Kenya oo Ciidamo Farabadan udirtay Xadka Soomaaliya ay la Wadaagto.

0
18

Isniin 27 april 2026 {HMC} Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ciidamo booliis dheeraad ah ay u dirtay deegaannada ay ku dagaalamayaan Beelaha Soomaalida iyo Kamba si loosoo afjaro xiisadda galaafatay nolosha Dad badan isla markaana ay ku dhaawacmeen Dad kale.

Saraakiil katirsan laamaha ammaanka Kenya ayaa sheegay in ciidamadaan Booliiska ah ay gacan adag ku qabanayaan kooxaha hubaysa sidoo kalena ay badbaadin doonnaan Dadka la beegsanayo ee aanay dagaalkaas ku jirin sida hadalka loo dhigay.

Booliiska Kenya ayaa tilmaamay in ay ku rajo wayn yihiin in marka ay xaqiijiyaan Amniga xadka ay wadaagaan labadaan qowmiyadood ee Xoolo dhaqatada iyo Beeralayda isugu jirta kaddib la galayo sidii xal waara loo gaari lahaa.

Dhacdadaan ma ahan mid ugub ah maadaama ay xad wadaagaan Soomaalida iyo Kamba waxa ay is qabteen dhowr jeer oo hore iyaga oo iska dilay Dad, waxyaabaha ugu badan ee isku dhacooda sababo waa khayraatka Dabiiciga ah sida dhul-daaqsimeedka.

Taliyaha guud ee Booliiska Kenya, Douglas Kanja ayaa ciidamada ammaanka faray in ay xoogga saaraan ugu horrayn nabadgalyada deegaanka Kwa Kamari, marka xigtana loo gudbo wadahadalka lagu soo afjarayo colaaddaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here