DFS soomalya oo war ka soo saartay sii deeynta markabkii lagu afduubtay Xeebaha Soomaaliya

0
14

Khamiis, Abriil 30, 2026 (HMC) -Dowladda Soomaaliya sheegtay in ay gacan ka geysan doonto sii deynta 11 muwaadin oo u dhashay Pakistan, kuwaas dhowr maalmood ku afduuban xeebaha gobolka Bari.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu soo xiganayo Wargeyska Pakistan Observer ayaa ballanqaaday sidii loo sii deyn lahaa muwadiniinta saarna Markab nuuca qaada Saliida.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay dowladda Pakistan xiriir rasmi ah la samaysay dhiggeeda Soomaaliya, si loo soo daayo shaqaalahan saarna Markabka lagu magacaabo Honour 25.

Qoysaska badmareennadan, oo u badan dad deggen magaalada Karachi, ayaa dowladda Pakistan ka codsaday in ay qeyb ka qaadato sidii ay xurriyadooda u heli lahaayeen Shaqaalahaasi.

“Carruurta yaryar waxaa ay rajeynayaan in ay si farxad leh ku soo laabtaan aabayaashooda la afduubtay” ayuu yiri mid kamid ah Ehelka Shaqaalaha Markabka.

Markabka Honour 25 iyo shaqaalihiisa ayaa hadda ku jira gacanta kooxaha burcad-badeedda, iyadoo dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ay dadaal ugu jiraan sidii loo sii deyn lahaa muwadiniintaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here