Dalal badan ayaa oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ay ku hayso Soomaaliya.

0
5

Axad 19 April 2026 {HMC}  Dalal badan ayaa cambaareeyay faragelinta Israa’iil ay ku hayso Soomaaliya iyaga oo ugu baaqay in ay ilaaliso nidaamka caalamiga ah ee dowladaha isla markaana ay faraha kala baxdo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waddamada Sacuudi Carabiya, Masar, Suudaan, Liibiya, Bangladesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkiga, Indonesia, Pakistan & Kuwait ayaa si wadajir ah u sheegay in ay dhaleeceynayaan faragelinta qaawan ee Israa’iil ay ku hayso Soomaaliya.

Waxa ay soo jeediyeen in Dalalka kale ee Caalamka in ay iyanna mowqifkooda diidmada faragelintaan ay muujiyaan si looga hortago kala qaybinta Israa’iil ay la damacsan tahay Dadka Soomaaliyeed sida Bayaanka lagu xusay.

Israa’iil ayaa saddex tallaabo oo xadgudub ku ah Soomaaliya samaysay, mar Ra’iisul Wasaarahooda, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu aqoonsaday Maamulka Waqooyi Galbeed Soomaaliya, mar kale Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda ayaa tagay Hargaysa halka uu dhowaan safiir aan joogto ahayn uu u magacaabay maamulkaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya aya garab ka heshay Dalal badan kuwaas oo meel fog ka istaagay xadgudubyada Xukuumadda Netanyahu ay ku hayso Dalka, waxa ay qaadday tallaabooyin diblumaasiyadeed oo looga hortagayo faragelintaas & damaca Israa’iil ku jira oo ah in ay colaadda Bariga usoo rarto qaybo kamid ah Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here