Itoobiya oo xabsi dhigtay 130 ruux oo ay ku tuhmayso in ay katirsan yihiin ‘AS’ & Daacish.

0
18

Axad 19 April 2026 {HMC} Sirdoonka Itoobiya ayaa sheegay in howlgallo qorsheysan oo ay sameeyeen ciidamada dalkaasi in lagu qabtay 138 ruux oo ay ku eedeeyeen in ay katirsan yihiin ‘AS’ & Daacish kuwaas oo doonaya in ay rabshado ka sameeyaan waddankaas.

Howlgalkaan oo dhacay waqtiga Itoobiya xisaabsato ee April 09 2018 E.C. oo ku beegan 17ka April 2026 ayaa lagu qabtay Dadkaas, waxa ay dadkaan watay Simikaaro, Teleefanno yaryar, Bastoolada, Miinooyin, Qoryaha AK47, Rasaas iyo waxyaabo kale.

Waxaa lagu eedeeyay in ay doonayeen ka faa’iidaysiga Gobollada Rabshadaha ka jiraan iyo diyaargarowga Doorashada Itoobiya, Ciidamada Sirdoonka ayaa lagu bogaadiyay sida ay uga hortagaan shabakadahaan isku xiran ee rabshada samayn rabay.

Magaalooyinka waa weyn ee Itoobiya oo ay ku jirto Addis Ababa ayaa ammaankooda aad loo adkeeyay, ujeedka waa kahortagga rabshada gudaha dalkaas iyo kuwa dibadda uga imaan kara si looga faa’iidaysto mashquulka Doorasho ee dalkaani uu galayo.

Itoobiya ayaa dhowr jeer sheegtay in ay kahortagtay ‘AS’ iyo Daacish oo xubno katirsan oo intooda badan ah muwaadiniin u dhashay Dalkaas ay doonayeen in ay weerarro iyo qaraxyo ka fuliyaan halka qaar kale ay doonayeen in ay saldhigyo ka dhigtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here