Talaado 14 April 2026 {HMC} Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in markab shidaal oo Shiinuhu leeyahay ah oo ay saarneed cunaqabateynta Maraykanka uu saaka oo Talaadado ah ka gudbay Marinka Hormuz, inkastoo Maraykanku xanibay marin-biyoodkan muhiimka ah, sida lagu sheegay xogta maraakiibta.
Markabka “Reach Stary” ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ka gudba marinka kana baxa Gacanka tan iyo markii la bilaabay xanibaadda, sida ay muujinayaan xogta London Stock Exchange Group, Kpler iyo Marine Traffic.
Maraykanku wuxuu cunaqabateyn ku soo rogay markabkan iyo shirkadda iska leh, Shanghai Xuanrun Shipping Co., Ltd., sababo la xiriira ganacsigooda ay la leeyihiin Iran.
Reuters uma suurta gelin inay si degdeg ah ay ula xiriirto shirkadda si ay uga hesho xog arrintaas ku saabsan.
Sida xogtu muujinayso, “Reach Stary”, oo ah markab dhexdhexaad ah, wuxuu sidaa qiyaastii 250,000 foosto oo shidaal ah.
Xogtu sidoo kale waxay muujisay in markabka shidaalka ee uu Shiinuhu leeyahay ay shaqaale Shiinaha u dhashay ay saaran yihiin. Markab kale oo cunaqabateysan oo lagu magacaabo “Morlikeshan” ayaa sidoo kale saaka galay marinka, sida lagu sheegay xogta London Stock Exchange Group.
Markabka “Handysize” oo aan hadda rar wadin ayaa la filayaa inuu shidaal ka raro Ciraaq 16-ka Abriil, sida ay muujinayso xogta la helayo.



