Iiraan oo dalalka Carabta ka dalbatay magdhow iyo sababta.

0
15

Talaado 14 April 2026 {HMC}  Ergeyga Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa warqad u qoray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, isaga oo dalbanaya magdhow ku saabsan khasaaraha ay Iran la kulantay intii uu socday dagaalku.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee IRNA, warqaddan ayuu safiirka Iran, Amir Saeed Ervani, ugu qoray Antonio Guterres: isagoo yiri: “Shantan dal waxay jebiyeen waajibaadkoodii caalamiga ahaa ee ku saabsanaa Iran.”

Warqaddu waxay sidoo kale sheegtay in ficilladan awgood, dalalkan ay leeyihiin masuuliyad caalami ah oo ah inay si buuxda uga bixiyaan magdhow dhammaan khasaaraha loo geystay Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here