FAAH FAAHIN Iiraan oo Markab weerartay

0
11

Arbaco 22 april 2026 {HMC} Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa rasaas ku furay markab konteenar ah oo marayay marin biyoodka Hormuz, sida laga soo xigtay Xarunta Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK (UKMTO).

UKMTO, oo ay hoggaaminayaan Ciidanka Badda ee Boqortooyada Ingiriiska, ayaa sheegay in dhacdadu ay ka dhacday meel 15 mayl waqooyi-bari ka xigta Cumaan.

Warbixintu waxay sheegtay in dooni ay leeyihiin IRGC ah ay u soo dhawaatay markabka iyadoo aanan la siin wax diginiin ah

Intaas ka dib doontii ayaa rasaas looga furay markabka, taasoo waxyeello weyn u geysatay xarunta laga kantaroolo markabka.

Wakaaladaha wararka ee Iiraan ayaa sheegay in markabku uu “iska indho tiray” digniinaha uga imanaya militariga Iiraan.

Khasaaraha weli lama soo werin iyo cidda eh markabka.

Halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay ee waxa ka dhacay Bariga Dhexe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here