Talaado 28 april 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.
Kulankan oo ahaa mid muhiim ah, ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan sidii dowladda Shiinuhu gacan uga geysan lahayd casriyeynta iyo horumarinta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Safiirka ayaa sheegay in ay kaalin ka qaadan doonaan qalabeynta Xabsiyada dalka gaar ahaan sidii loo heli lahaa qalab casri ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo adeegyada xabsiyada dalka.
Sidoo kale, Taliyaha iyo Danjiraha ayaa ayaa la wadaagay Safiirka baahiyaha ka jiraXabsiyada dalka, isagoo xusay in Shiinaha yahay saaxiib markasta taageera Shacabka Soomaaliyeed.
Danjiraha Shiinaha, H.E. Wang Yu, ayaa dhankiisa bogaadiyay shaqada adag ee Ciidanka Asluubtu u hayaan qaranka, wuxuuna ballan-qaaday inay dowladdiisu sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta ciidanka iyo gargaarka bini’aadantinimo.
Kulankan ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo ballan-qaad ah in la dardargeliyo fulinta qodobadii laga wada hadlay, si loo gaaro isbeddel dhab ah oo ka muuqda hay’adda asluubta dalka.



