Home Blog Page 1019

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa kasoo kordhay Dagaalka ka dhacay Degmada Aadan yabaal.

0

Arbaco 16, April  2025 {HMC} Maxaa kasoo kordhay Dagaalka ka dhacay Degmada Aadan yabaal.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Xabsiga dhexe oo lagu soo kordhiyey dhismo xirfad cusub lagu barayo maxaabiista

Arbaco 16, April 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dhismo dayactir iyo qalabeyn lagu sameeyay kaas oo loogu talagalay in lagu tababaro maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe si kor loogu qaado xirfadahooda.

Arrintaan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ee dib-u-habaynta nidaamka xabsiyada in maxaabiistaas lagu siiyo xirfado ay noloshooda dib ugu dhisan karaan marka ay xabsiga ka baxaan.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa wasiirka ku weheliyay Safiirka Turkiga Soomaaliya u jooga Alper AKTAŞ, isku-duwaha Hay’adda TİKA Zafer EŞKİ iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Gen. Cilmi Waasuge Colow, waxaana goobta lagu wareejiyay agab tababar oo dhammeystiran.

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo kaashanaysa saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa deddaal weyn ugu jirta dib-u-casriyeynta xarumaha xabsiyada iyo horumarinta nolosha maxaabiista ku xiran xabsiyada dalka.

Puntland oo cadeeysay mowqifkeeda gogosha uu MW xasan sheekh ku baaqay

Arbaco 16, April 2025 {HMC} Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso, ayaa si rasmi ah u caddeeyay in uusan qeyb ka noqon doonin gogosha uu madaxweyne Xasan Shiikh ku marti-qaaday dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweyne Siciid Deni oo shalay Boosaaso kulan kula yeeshay xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa xubnahaasi u sheegay in uusan ka qeyb geli doonin Shirka madaxweyne Xasan Shiikh iclaamiyay, oo Deni ku tilmaamay mid aysan ajandiisa caddayn.

Wararku waxay sheegayaan in madaxweyne Deni uu rumaysan yahay in Villa Somalia aysan rabin shir loo dhan yahay oo ku saabsan xallinta dhammaan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo qeybsiga mashaariicda lagu helo magaca Soomaaliya.

Diidmada ka timid Puntland ayaa imaanaysa xilli ay dhawaan Villa Somalia shaacisay shir wada-tashi oo ay ku sheegtay u midoobista la-dagaallanka argagixisada, halkii laga filayay in ay ku dhawaaqdo shir siyaasadeed oo lagu xallinayo khilaafka jira.

{DAAWO MUQAALKA} Culuma-udiin ku dhawaaqay in ay hogaamin doonan dagaalka AS

0

Arbaco 16, April  2025 {HMC} Culuma-udiin ku dhawaaqay in ay hogaamin doonan dagaalka AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu dambeeyay Dagaalka aadan yabaal, Yaa Gacanta ku haayo Magaalada.

0

Arbaco 16, April  2025 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay Dagaalka aadan yabaal, Yaa Gacanta ku haayo Magaalada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {16-04-2025}

Arbaco 16, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Shukri Baryare & Cabdiqani Cosoble

Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei

{DAAWO MUQAALKA} Danab oo Howlgalo Qorsheeysan ku dilay Xubno AS.

0

Arbaco 16, April  2025 {HMC} Danab oo Howlgalo Qorsheeysan ku dilay Xubno AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Ciidanka cusub ee AUSSOM oo qeyb kamid ah la soo gaarsiiyey beledweyne

Arbaco 16, April 2025 {HMC} Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa gaaray ciidamo cusub oo ka socday dalka Jabuuti, kuwaas oo qeyb ka ah howlka cusub ee AUSSOM, kaas oo dhawaan lagu badalay howgalkii hore ee ATMIS.

Ciidankaan oo soo dirtay Xukuumadda Djabuuti, ayaa la dadajiyey Saldhigyo ay ciidanka AUSSOM ku leeyihiin magaalooyinka Buula Burde iyo Jalalaqsi oo ah laba magaalo oo istiraatiiji ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Taliyaha Qeybta Afaraad, Col. Saciid Waaberi iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, iyaga oo ka hadlay doorka ay ka qaadanayaan dardar gelinta howlaha wadajirka ah ee ay wadaan. sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidanka.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ka soo baxay Howlgalka AUSSOM ayaa lagu sheegay in ciidankaan ka shaqeyn doonaan ilaalinta xarumaha muhiimka ee maamulka Hirshabeelle, garoomada diyaaradaha, iyo Saldhigga taliska ciidanka nabad ilaalinta ee ku sugan gobollada Hirshabeelle.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 16-4-2025.

0

Arbaco 16, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaan Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Xamar Cida iska leh Doorashada qofka iyo codka ah ayaa lagu kaa saara”RW Xamsa

0

Arbaco 16, April  2025 {HMC} Xamar Cida iska leh Doorashada qofka iyo codka ah ayaa lagu kaa saara”RW Xamsa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA