Home Blog Page 1020

Puntland oo cadeeysay mowqifkeeda gogosha uu MW xasan sheekh ku baaqay

Arbaco 16, April 2025 {HMC} Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso, ayaa si rasmi ah u caddeeyay in uusan qeyb ka noqon doonin gogosha uu madaxweyne Xasan Shiikh ku marti-qaaday dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweyne Siciid Deni oo shalay Boosaaso kulan kula yeeshay xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa xubnahaasi u sheegay in uusan ka qeyb geli doonin Shirka madaxweyne Xasan Shiikh iclaamiyay, oo Deni ku tilmaamay mid aysan ajandiisa caddayn.

Wararku waxay sheegayaan in madaxweyne Deni uu rumaysan yahay in Villa Somalia aysan rabin shir loo dhan yahay oo ku saabsan xallinta dhammaan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo qeybsiga mashaariicda lagu helo magaca Soomaaliya.

Diidmada ka timid Puntland ayaa imaanaysa xilli ay dhawaan Villa Somalia shaacisay shir wada-tashi oo ay ku sheegtay u midoobista la-dagaallanka argagixisada, halkii laga filayay in ay ku dhawaaqdo shir siyaasadeed oo lagu xallinayo khilaafka jira.

{DAAWO MUQAALKA} Culuma-udiin ku dhawaaqay in ay hogaamin doonan dagaalka AS

0

Arbaco 16, April  2025 {HMC} Culuma-udiin ku dhawaaqay in ay hogaamin doonan dagaalka AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu dambeeyay Dagaalka aadan yabaal, Yaa Gacanta ku haayo Magaalada.

0

Arbaco 16, April  2025 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay Dagaalka aadan yabaal, Yaa Gacanta ku haayo Magaalada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {16-04-2025}

Arbaco 16, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Shukri Baryare & Cabdiqani Cosoble

Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei

{DAAWO MUQAALKA} Danab oo Howlgalo Qorsheeysan ku dilay Xubno AS.

0

Arbaco 16, April  2025 {HMC} Danab oo Howlgalo Qorsheeysan ku dilay Xubno AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Ciidanka cusub ee AUSSOM oo qeyb kamid ah la soo gaarsiiyey beledweyne

Arbaco 16, April 2025 {HMC} Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa gaaray ciidamo cusub oo ka socday dalka Jabuuti, kuwaas oo qeyb ka ah howlka cusub ee AUSSOM, kaas oo dhawaan lagu badalay howgalkii hore ee ATMIS.

Ciidankaan oo soo dirtay Xukuumadda Djabuuti, ayaa la dadajiyey Saldhigyo ay ciidanka AUSSOM ku leeyihiin magaalooyinka Buula Burde iyo Jalalaqsi oo ah laba magaalo oo istiraatiiji ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Taliyaha Qeybta Afaraad, Col. Saciid Waaberi iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, iyaga oo ka hadlay doorka ay ka qaadanayaan dardar gelinta howlaha wadajirka ah ee ay wadaan. sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidanka.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ka soo baxay Howlgalka AUSSOM ayaa lagu sheegay in ciidankaan ka shaqeyn doonaan ilaalinta xarumaha muhiimka ee maamulka Hirshabeelle, garoomada diyaaradaha, iyo Saldhigga taliska ciidanka nabad ilaalinta ee ku sugan gobollada Hirshabeelle.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 16-4-2025.

0

Arbaco 16, Jan 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaan Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Xamar Cida iska leh Doorashada qofka iyo codka ah ayaa lagu kaa saara”RW Xamsa

0

Arbaco 16, April  2025 {HMC} Xamar Cida iska leh Doorashada qofka iyo codka ah ayaa lagu kaa saara”RW Xamsa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Mareykanka oo diidan taageerida maalgelinta QM ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Arbaco 16, April 2025 {HMC} Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa dhalisay walaac weyn oo la xiriira mustaqbalka howlgalka caalamiga ah ee la dagaallama kooxda Al-Shabaab. Diidmada Mareykanka ayaa imaaneysa iyadoo Golaha Ammaanka uu qorsheynayo inuu 15-ka Maajo u codeeyo qaab-maaliyadeedka isku-dhafka ah ee ku saleysan Qaraarka 2719.

Markii hore, Mareykanku wuu ka aamusay codsigii hore ee la xiriiray maalgelinta AUSSOM, balse hadda wuxuu si cad u sheegay inuusan taageereyn qorshahaas. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa 8-dii Abriil u sheegay warbaahinta PassBlue in Mareykanku u arko in Soomaaliya aysan ku habboonayn in lagu tijaabiyo maalgalinta isku-dhafka ah sida uu tilmaamayo Qaraarka Golaha Amamanka ee tirsigiisu yahay 2719.

Waxa uu intaas ku daray in nidaamkaasi uu niyad-jab ku yahay xalinta mushkiladaha, wuxuuna ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo sida ay u wajahaan codbixinta Golaha.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sidoo kale muujiyay walaac xoogan. Warbixin uu 10-kii Abriil u gudbiyay Golaha Ammaanka ayuu ku sheegay in dhaqaale la’aanta jirta ay si weyn halis ugu tahay hawlgalka AUSSOM.

Guterres wuxuu ugu baaqay beesha caalamka in la taageero codsiga maalgelinta si loo helo nidaam dhaqaale oo waara oo la saadaalin karo, taasoo muhiim u ah nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Historic Voter Registration Surge in Shangaani District as Somalia Embraces Democracy.

0

Wednesday 16, April 2025 {HMC} Shangaani District witnessed an overwhelming turnout on the second day of voter registration, signaling a resounding public endorsement of the electoral process. Prime Minister Hamse, who visited the district to observe the proceedings, hailed the event as a “victory for Somalia,” underscoring the nation’s decisive shift toward participatory governance.

Addressing crowds of enthusiastic citizens, PM Hamse declared, “Today is an important day for the country. Our people finally have the chance to practice their democratic right—to elect and be elected.” He emphasized that voter registration marks the beginning of a new era where leaders will be chosen based on merit, accountability, and direct engagement with the electorate.

“Every citizen has the right to a national ID, to register, and to eventually vote. Politicians and aspiring leaders must now appeal to the public with their manifestos and track records,” he stated, applauding Shangaani’s historic role in pioneering the process.

The Prime Minister’s visit came amid a remarkable surge in registrations, defying skeptics who doubted Somalia’s ability to conduct free and fair elections. “Those who claimed this country could not hold credible elections have been proven wrong by the overwhelming turnout we see today,” he asserted.

Beyond the electoral milestone, PM Hamse outlined the government’s dual priorities: security and development. He confirmed significant progress in the fight against Kharijite terrorists, stating, “We are confronting extremists on all fronts, and the offensive is succeeding.” On economic growth, he highlighted infrastructure advancements and a clear “road to prosperity.”

The Prime Minister framed the elections as a mechanism to restore public trust, declaring, “From today, the people will decide who to reward with responsibility and who to hold accountable.” He praised civil servants, activists, and international partners for their tireless efforts in making the electoral process a reality.

As registration continues, Shangaani’s energized queues symbolize a broader national awakening. For decades, Somalia’s political landscape was marred by instability, but this week’s events suggest a turning point—one where citizens actively shape their future through ballots, not bullets.

With the eyes of the world watching, Somalia’s voter registration drive isn’t just a procedural step; it’s a bold statement that the country is reclaiming its democratic destiny.