Home Blog Page 1024

{DAAWO MUQAALKA} Sida aad ugu midoobaysaan dagaalka AS ayaa la rabaa in furinta lagu shahiido”Sheekh Shaakir”

0

Talaado 15, April  2025 {HMC}  Sida aad ugu midoobaysaan dagaalka AS ayaa la rabaa in furinta lagu shahiido”Sheekh Shaakir”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {15-04-2025}

Talaado 15, April-2025 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadow & Sahro Gabre

Farsamadii ::Mohamed Hassan Owsei

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 15-4-2025.

0

Talaado 15, April  2025 {HMC}  Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

;

UK oo kordhisay kaalmada ay siiso ciidamada ammaanka Soomaaliya

Talaado 15, April 2025 {HMC} Iyadoo Soomaaliya ay wajahayso halis amni oo cusub oo ka imaanaysa Al-Shabaab oo markale xoogeysanaya, ayaa Boqortooyada Midowday ee UK waxay kordhisay taageerada ay siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF).

UK ayaa ku dhawaaqday in ay ku kordhisay $3.9 milyan oo taageere dhaqaale ah oo lagu hagaajinayo Sanduuqa taageerada Soomaaliya SSF oo ay maamusho Qaramada Midoobay.

Sanduuqan, oo uu gacanta ku hayo xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa taageero u fidiya 18,900 oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Booliska Soomaaliyeed.

Sanadkii 2024 oo keliya, dhaqaalaha UK ayaa suurta geliyay in UNSOS ay gaarsiiso Ciidamada Amniga Soomaaliya 6,000 tan oo ah raashin ciidan iyo 2,000 tan oo shidaal naafto ah, iyo sidoo kale daryeelka degdega ah ee dhaawacyada boqolaal askari.

UNSOS ayaa u baahan ugu yaraan $2 milyan bil walba si ay u taageerto kordhinta qorsheysan ee tirada Ciidamada Amniga Soomaaliya oo la gaarsiinayo illaa 20,900 askari, sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2767 (2024).

Danjiraha UK ee Soomaaliya ee xilka ka degaya, Mike Nithavrianakis, ayaa sheegay in taageeradan ay muujinayso in UK ay tahay saaxiib dhab ah oo Soomaaliya ah.

“Waan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo taageero dheeraad ah si loogu guuleysto dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada rabshadaha wata. Waxaan ku dhiirigelinayaa saaxiibada kale inay iyaguna wax ku biiriyaan Sanduuqa SSF ee UNSOS, si ay u taageeraan geesiyaasha Ciidamada Amniga Soomaaliyeed si ay mustaqbal amni leh ugu suura geliyaan dadka Soomaaliyeed iyo gobolka oo dhan,” ayuu yiri Nithavrianakis.

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa isna muujiyay muhiimadda uu sanduuqan leeyahay iyo sida ay dowladdu uga go’an tahay in ay si mas’uuliyad leh u maamusho.

Si kastaba ha ahaatee, Sannadkii hore, dawladda Maraykanka ayaa jartay raashiinkii iyo taageeradii shidaal ee ay siin jirtay ciidamada Danab ee caanka ah ka dib markii Washington ay ogaatay in sahaydii la lunsaday.

Faahfaanimo kasoo baxayo dagaal culus oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Talaado 15, April 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay tuulada Haamcaduur oo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilaawday kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen tuulada Haamcaduur ee gobolka Galgaduud.

Ilo ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan oo laga maqlaayay meelo ka fog fog halka uu dagaalka ka dhacay.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo dagaalka ayaa sheegaya inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hayeeshe si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka inta uu dhan yahay.

Gobolka Galgaduud waxa uu ka mid yahay gobolada ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee maalmihii la soo dhaafay ay sida weyn u kordhiyeen Militeriga Soomaaliya oo kaashanaya ciidanka dadka deegaanka.

{DAAWO MUQAALKA} Dhul Hawiye iyo Waayihii khawaarijka wuu soo dhamaanayaa dhawaan”’Nabadoon Xaad”

0

Talaado 15, April  2025 {HMC}  Dhul Hawiye iyo Waayihii khawaarijka wuu soo dhamaanayaa dhawaan”’Nabadoon Xaad”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Dagaalka Aboorey ka Socda Xawaadle xataa uma Mideysna’’Cali Jeyte Cismaan’’

0

Talaado 15, April  2025 {HMC}  Dagaalka Aboorey ka Socda Xawaadle xataa uma Mideysna’’Cali Jeyte Cismaan’’

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Dadka qaba baahiya gaar ka ah Siddey uga qeyb galeen is diwaangalinta doorashooyinka Muqdisho.

0
Talaado 15, April  2025 {HMC} Dadka qaba baahiya gaar ka ah Siddey uga qeyb galeen is diwaangalinta doorashooyinka Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Madaxda Maanta isdiwaan galisay wax waardiye ah ma wadan”Macalin Mahdi”

0
Talaado 15, April  2025 {HMC} Madaxda Maanta isdiwaan galisay wax waardiye ah ma wadan”Macalin Mahdi”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo loogu deeqay Malaayiin Dollar.

0

Talaado 15, April  2025 {HMC}  Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo loogu deeqay Malaayiin Dollar.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA