jimco 11, April-2025 {HMC} Lacag intee la’eg ayaa ku baxdo Habeenkii Qaboojiyaha Meeydka Lagu haayo ee Soomaaliya?
Soomaaliya oo Heshiis Deyn Cafin la Saxiixatay Sanduuqa Lacagta Carabta
Jimco 11, April-2025 {HMC} – Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis deyn cafin ah la saxiixatay Sanduuqa Lacagta Carabta, kaas oo muddo sadex sano kabadan uu wada xaajoodkiisa soo socday, sida ay sheegtay Wasaarada Maaliyada Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ka qeyb galayay Shirka sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta kaasoo ka dhacayay Magaalada Kuwait ayaa saxiixay heshiis kaan taariikhi ah.
“Heshiiskan deyn cafinta ah oo ay wada saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaal ka Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Lacagta Carabta Fuad M. Al-Turki ayaa gaaraya $306.5 Milyan oo dollar, taas oo cuuryaamisay helidda mashaariicda maalgalineed ee Dowladda Soomaaliya ay u baahneyd” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaarada Maaliyada.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskani uu muhiim u yahay dib u dhiska dhaqaalaha dalka iyo dadaallada lagu dhameystirayo arrimaha deyn cafinta oo Dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan galisay.
Sidoo kale Wasiirku waxa uu tilmaamay in heahiiskani uu suuro galinayo in Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Lacagta Carabta ay si rasmi ah usoo ceshadaan wadashaqayntii taas oo hakad galisay dhammaan kaalmooyinka ay Dawladda Soomaaliya ka heli lahayd Sanduuqan.
Waxaa xusid mudan in Sanduuqa Lacagta Carabta oo xaruntiisu tahay caasimadda Imaaraadka ee Abu Dhabi, ay ku jiraan 22 waddan oo Carbeed, wuxuuna siiya deymo, taageero farsamo, iyo la-talin dhaqaale waddamada xubnaha ka ah.
Sanadihii dambe waxa ay dowladda Soomaaliya ay dadaal ku bixineysay sidii deeymaha la degay dhaqaalaha dalka looga cafin lahaa, iyadoo dooneysa in ay soo jiidato indhaha caalamka si ay Soomaaliya maalgashi xoogan ugu sameysan lahaayeen.
Maxeey yihiin Arrimaha ku xeeran safarka Xamza ee Laascaanood ?
Jimco 11, April-2025 {HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa Sabtidii sheegay inuu qorsheynayo booqasho uu ku tagayo magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Maamulka Khaatumo.
Safarkan ayaa noqonaya mid taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay muddo ka badan nus qarni oo uu mas’uul sare booqdo magaalada istiraatiijiga ah gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.
Mas’uuliyiin ku sugan Laascaanood ayaa xaqiijiyay in booqashadu dhici doonto, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin jadwalkeeda. Waxaa hadda magaalada ku qul-qulaya wafdi horudhac u ah safarka Xamza.
Shacabka magaalada ayaa si weyn u diyaarinaya soo dhaweynta, waxaana lagu wadaa xaflad ballaaran in ay dhacdo. Wadooyinka Laascaanood waxaa durba lagu arkayaa boorarka sawirka Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo shacabka ay si weyn u muujinayaan rajadooda ku aaddan safarkan la filayo.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in safarkiisu ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Khaatumo, islamarkaana aan loo fasiranin mid abuuri kara kala qeybsanaan, balse ah mid lagu doonayo midnimo Soomaaliyeed.
“Booqashadayda Laascaanood waxay salka ku haysaa xoojinta xiriirka shaqo ee ka dhexeeya maamulka Khaatumo iyo Dowladda Federaalka. Ma aha safar lagu waxyeelleynayo gobol ama maamul kale, mana aha mid lagu kala fogeynayo dadka Soomaaliyeed. Waa safar lagu mideynayo shacabka walaalaha ah,” ayuu yiri Xamza.
Wuxuu uga mahadceliyay shacabka iyo maamulka Khaatumo waddaniyadooda iyo soo dhaweynta diirran ee uu dareemay xitaa ka hor intaanu gaarin magaalada.
Khaatumo waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday madax-bannaanideeda 25-kii Agoosto 2023, kadib dagaal culus oo ay la gashay ciidamada Somaliland oo laga saaray saldhig istiraatiiji ah oo ku yaalla buuraha ku hareeraysan Laascaanood. Dagaalkaasi oo socday bilooyin ayaa sababay dhimashada boqolaal qof iyo barakaca boqolaal kale.
Booqashadii ugu dambeysay ee mas’uul sare uu ku tago Laascaanood ayaa ahayd mid dhibaato sababtay.
Dilkii madaxweyne Sharmaarke
15-kii Oktoobar 1969-kii, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke — oo sidoo kale ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee dalka — ayaa lagu dilay Laascaanood xilli uu booqasho rasmi ah ku jiray.
Waxaa dilay askari, taas oo horseedday in xukunka laga tuuro dowladdii markaas jirtay, waxaana xukunka la wareegay taliskii milatariga ee uu hoggaaminayay Janaraal Maxamed Siyaad Barre, oo dalka xukumayay 21 sano. Ninkii dilka geystay waa la toogtay.
Waxaa markaa la fahmi karaa sababta safarka Xamsza uu durba u kiciyay dareenno kala duwan oo xooggan.
Inkasta oo dad badan oo Soomaaliyeed ay u arkaan safarka mid rajo leh, haddana waxaa jira dhaleeceyn iyo cabasho ka timid dhanka Somaliland.
Laascaanood gudaheeda, shacabka iyo mas’uuliyiinta deegaanka waxay si diirran u soo dhaweeyeen wararka ku saabsan safarka, iyaga oo caddeeyay in Khaatumo tahay maamul Soomaaliyeed oo nabad ah, oo u furan cid walba.
Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Khaatumo, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa xaqiijiyay in la sugayo safarka Ra’iisul Wasaaraha.
“Waxaan u diyaargarownay booqashada Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka oo la filayo inuu dhowaan yimaado magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Maamulka Khaatumo waa midka ugu nabdoon Soomaaliya. Shacabku si weyn ayay u sugayaan safarkiisa, waxayna diyaar u yihiin inay si diirran u soo dhaweeyaan,” ayuu yiri Wasiir Xijaar.
Falcelinta Hargeysa
Dhanka Hargeysa, wararka booqashada si wanaagsan looma qaadan.
Hoggaamiyeyaal iyo dad rayid ah oo hadlay waxay sheegeen in Ra’iisul Wasaaraha uusan ku soo dhaweyn karin Laascaanood, iyagoo ku eedeeyay inuu jebinayo xeerar caalami ah. Somaliland ayaa sheegata inay ka go’day Soomaaliya, inkasta oo aysan weli helin aqoonsi caalami ah.
Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cigeh, ayaa ku celiyay sheegashada gooni-isu-taagga Somaliland, isagoo si adag uga hadlay safarka Xamza.
“Madax-bannaanida Somaliland iyo dawladnimadeedu waa xaq taariikhi ah oo sharciyaysan, kuna saleysan rabitaanka shacabka. Socdaalkayaga madaxbannaanida waa mid ku saleysan adkaysi, is-maamul iyo xaq,” ayuu ku qoray bartiisa X.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasin Sheekh Cali, ayaa isaguna si toos ah ula hadlay saxaafadda Talaadadii, isagoo muujiyay dareen cad.
“Waddankeena iyo xuduudihiisa waan difaacaynaa si kasta oo ay ku kacdo. Nabaddeenna yaan loo arkin tabar-darro, balse waa dulqaadkayaga. Waxaan u aragnaa booqashadaada iyo falalkaaga mid la mid ah duullaankii Vladimir Putin uu ku qaaday Crimea iyo Donbas. Taasi ma keeneyso in Ukraine aysan jirin. Haddii aad tagto Laascaanood ama Garoowe, adigaa iska leh, laakiin annaga diyaar baan u nahay inaan is difaacno si kasta oo loogu baahdo,” ayuu yiri Wasiirka.
Mowduuca ugu hadal-heynta badan
Safarka Xamza ee Laascaanood ayaa noqday mowduuca ugu weyn ee laga hadlayo guud ahaan Soomaaliya.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa u arka booqashada inay tahay fursad lagu soo afjari karo ajandaha muddada dheer ee gooni-isu-taagga Somaliland.
Nabiil Afrax, falanqeeye siyaasadeed oo reer Puntland ah, ayaa sheegay in booqashada Ra’iisul Wasaaraha ay leedahay muhiimad qaran, ayna saameyn ku yeelan karto midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo xaalada gobolka Sool iyo Sanaag.
“Booqashada Xamza waxay calaamad u tahay jebinta sheegashada Somaliland ee gooni-isu-taagga, waxayna ka careysiin doontaa siyaasiyiinta Hargeysa ee mabda’aas shacabka ka iibinaya. Laascaanood muddo dheer waxay ahayd meel lagu loollamo. Dad badan oo waddani ah waxay safarkan u arkaan mid lagu adkeynayo midnimada qaranka,” ayuu yiri.
Wuxuu xusay in guusha safarka ay ku xirnaan doonto sida dowladda dhexe ay ula macaamisho Maamulada Khaatumo iyo Puntland. Wuxuuna ku daray in tijaabada dhabta ah ay tahay in safarku nabad ku dhammaado.
Cabsi amni
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha amniga ayaa muujiyay walaac la xiriira booqashada, iyagoo tilmaamay in ay xambaarsan tahay khataro siyaasad iyo amni.
“Waxaan ka walwalayaa ammaanka Ra’iisul Wasaaraha marka uu tago Laascaanood. Inkasta oo Khaatumo haatan xor tahay, Hargeysa iyo Garoowe ma ogolaan doonaan in uu booqdo dhul ay iyagu sheegtaan. Waxaa sidoo kale jira khataro kaga iman kara kooxaha sida Al-Shabaab iyo Daacish,” ayuu yiri Cabdi Cali, oo ah falanqeeye siyaasadeed.
Laascaanood waxay ku taallaa gobolka Sool, oo u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe — kuwaas oo muddo dheer ku muransanaa lahaanshaha magaalada tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.
25-kii Agoosto 2023, Laascaanood waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay tahay deegaan xor ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhawaysay, waxayna aqoonsatay Khaatumo inay maamulka ugu cusub ee dalka, loona diyaarinayo dowlad goboleed.
Laascaanood waa magaalo leh taariikh qoto dheer, waxaana inta badan lala xiriiriyaa halgankii gobonnimada. Waxay u dhowdahay magaalada Taleex oo ahayd xaruntii Daraawiishta uu hoggaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan — halyeygii Soomaaliyeed ee la dagaallamay gumeystihii Ingiriiska.
Jaamac Cali, darawal ka shaqeeya Laascaanood, ayaa rajo ka muujiyay safarka, wuxuuna codsaday in taallo loo dhiso halyeyga Soomaaliyeed ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
“Waan soo dhaweyn doonnaa Ra’iisul Wasaaraha, waanan ilaalin doonnaa sidii ukumo. Haddii uu yimaado, waxaan rajaynayaa inuu taallo weyn ka dhiso bartamaha magaalada — taallo loogu magac daro Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, aabbihii halganka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Jamaac.
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn {11.04.2025}
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Muse
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Suudaan oo Maxakamada ICJ Ugudbisay Dacwad ka Dhan ah Imaaraadka Carabta.
Jimco 11, April-2025 {HMC} – Suudaan ayaa Khamiistii u sheegtay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) in Imaaraadka Carabta uu yahay “xoogga kaxeeya” ee ka dambeeya xasuuqa ay ka wado Darfur kooxda fallaagada ah ee dagaalka kula jirta ciidanka dowladda, taas oo ay ku eedeysay in Imaaraadku taageero siinayo.
Khartuum ayaa dacwad ka dhan ah Imaaraadka hor geysay ICJ, iyadoo ku eedeysay inuu door ku leeyahay xasuuqa lagula kacayo beesha Masalit, iyada oo la adeegsanayo taageerada loo fidiyo ciidanka Rapid Support Forces (RSF) ee dagaalka kula jiray ciidamada qaranka tan iyo 2023.
Imaaraadka ayaa si adag u beeniyay inuu taageero siiyo RSF, wuxuuna ku tilmaamay dacwadda Suudaan “riwaayad siyaasadeed” oo carqaladaynaysa dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof.
Markii uu furayay dacwadda, wasiirka caddaaladda ku meel gaarka ah ee Suudaan, Muawia Osman, ayaa maxkamadda u sheegay in “xasuuqa socda aanu suuragal noqon lahayn la’aanta kaalmada Imaaraadka, oo ay ku jirto dirista hubka lagu taageerayo RSF.”
“Taageerada tooska ah ee Imaaraadku siiyo RSF—oo ay ku jirto sahayda hubka iyo kaalmooyin kale—waxay ahayd, welina tahay, xoogga ugu weyn ee kaxeeya xasuuqa hadda socda. Waxaa ka mid ah falal ay ka mid yihiin dil, kufsi, barakicin khasab ah, iyo dhac hantiyadeed,” ayuu yiri Osman.
Suudaan waxay maxkamadda ka codsatay in ay amarto Imaaraadka inuu joojiyo taageerada la tuhunsan yahay ee RSF, isla markaana bixiyo magdhow buuxa oo ay ku jiraan lacago la siiyo dhibbanayaasha dagaalka.
Balse Reem Ketait, oo ah mas’uul sare oo u hadashay Imaaraadka, ayaa sheegtay in dacwadda Suudaan ay tahay “adeegsi qaldan oo xad-dhaaf ah oo lagu sameeyay hay’ad caalami ah oo sumcad leh,” isla markaana ay tahay dacwad “aan wax sal ah ku lahayn sharciga ama xaqiiqada.”
“Suudaan waxa ay hadda u baahan tahay ma aha riwaayad siyaasadeed, balse waa xabbad-joojin degdeg ah iyo ballanqaad dhab ah oo labada dhinac ee dirirta ku lugta leh ay kaga go’an tahay wadahadal nabadeed,” ayay tiri Ketait oo war-saxaafadeed soo saartay.
Dacwaddan ayaa timid maalin un kaddib markii Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ay ugu baaqeen ciidamada dowladda iyo kuwa RSF in ay dib u bilaabaan wadahadallo nabadeed oo lagu xallinayo colaadda dalka.
‘Dacwad si cad loo dhisay’
Khubarada sharciga caalamiga ah ayaa ka digay in dacwadda Suudaan ay halis ugu jirto in ay ku burburto sababo la xiriira awoodda maxkamaddu u leedahay inay dhageysato.
Markii Imaaraadka uu saxiixay Heshiiska Xasuuqa (Genocide Convention) sanadkii 2005, wuxuu ku daray reservation—ama diidmo gaar ah—oo la xiriirta qodob muhiim ah oo u oggolaanaya dowladaha xubnaha ka ah in ay is dacweeyaan ICJ.
Michael Becker, oo ah khabiir ku takhasusay sharciga caalamiga ah kana tirsan Trinity College ee Dublin, ayaa ku qoray maqaal uu u diray mareegta Opinio Juris in dacwadda Suudaan ay taabanayso “su’aalo muhiim ah.”
“Sida laga filan karo, maadaama Imaaraadku uu sameeyay reservation ku saabsan Qodobka IX markuu saxiixay heshiiska 2005, Maxkamaddu waxay u badan tahay in ay go’aamiso inaysan awood u lahayn dhageysiga murankan,” ayuu Becker qoray.
Suudaan waxay ku doodday in diidmada Imaaraadka ay si toos ah uga hor imanayso ujeeddada guud ee Heshiiska Xasuuqa, kaas oo diiradda saarayay mas’uuliyadda caalamiga ah ee ka hortagga dambiyada ugu xun ee bani’aadantinimada.
Go’aannada ICJ, oo dhageysta murannada dowladaha u dhexeeya, waa kama dambays, waana qasab in la fuliyo. Hase yeeshee, maxkamaddu ma hayso awood ay ku dhaqan geliso amarradeeda.
Tusaale ahaan, ICJ waxay horey ugu amartay Ruushka inuu joojiyo duullaanka Ukraine, balse amarkaasi lama fulin.
“Waxaan maxkamadda horteeda keennay dacwad aad iyo aad u cad,” ayuu yiri wasiir Osman isagoo la hadlayay warbaahinta hortiisa Qasriga Nabadda ee magaalada Hague, halkaas oo ay ICJ fadhigeedu yahay.
“Anaga oo aaminsan, haddii aysan jirin taageerada Imaaraadka, dhammaan xadgudubyada ka dhanka ah heshiiska xasuuqa lama arki lahayn,” ayuu ku daray.
Gen Dafle: Aas-aasihii Sirdoonka NISA oo geeriyooday
Jimco 11, April-2025 {HMC} – Waxaa caawa geeriyooday aas-aasihii Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Jeneraal Axmed Saleebaan Cabdalla (Dafle) siyaasigii ugu saameynta badnaa qaaradda Afrika sanadihii lixdamaadkii, sidoo kalena ahaa saraakiishii ugu xukunka adkeed dowladdii kacaanka ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.
Isagoo ah nin da’a ah ayuu caawa geeriyooday Dafle, muddo dheer ayuu ka soo shaqeynayey Hay’adda NISA, isagoo ahaa Agaasimihii aas-aasay, sidoo kale wuxuu door cajiib ah ka soo qatay dagaaladii Soomaaliya ay la gashay Itoobiya iyo xornimada dalal badan oo Afrikan ah.
Fahad Yaasiin oo NISA Agaasime ka soo noqday ayaa kamid ah dadka ka hadlay geerida Dafle, wuxuuna sheegay inuu la yaabay xogtiisa markii uu ugu tegay Taliska NISA ee Habar-Khadiija, isagoo sheegay inuu ugu magac daray Masjid laga dhisay xarunta NISA.
“Aasaasihii koowaad Sirdoonka Soomaaliya Dafle, wuxuu mar ahaa siyaasigii ugu saamaynta badnaa Qaarada Afrika, isagoo sabab u noqday xornimada tiro ka 10 dal oo Afrikaan ah, loollankii dagaalkii qaboobaa wuxuu udub dhexaad u ahaa tartanka labadaas quwadood ee Qaaradda Afrika iyo dunida Carabta qaarkeed” ayuu yiri Fahad Yaasiin.
Wuxuu sheegay in awoodda Sirdoonka Soomaaliya uu gaarsiiyey heer ay ka war qabeen nolosha ka jirtay guriga Mingistu Xayla Maryam-kii Itoobiya.
“Guulihii furimaha dagaalkii 1977-kii waxaa saldhig u ahaa in sirdoonku heli jiray xogta Ciidanka Itoobiya, Maskaxdii iyo farshaxankii uu ku dhisay Sidoonka Qaranka Soomaaliya ayaa weli lagu hoggaamiyaa,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fahad Yaasiin.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in markii uu noqday Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, inuu arkay taariikhda uu Dafle ka tagay, isagoo yiri, “waxaan ugu magac daray Masjidka weyn ee xarunta Hay’adda ka dhisan – Allaha u naxariisto Axmed Saleebaan Dafle.”
Wasiirka Amniga Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo isna ka hadlay geerida Jeneraal Dafle ayaa yiri, “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uu ka baxay Allaha u naxariistee Jeneraal Axmed Saleebaan Dafle oo kamid ahaa saraakiishii haldoorka ahaa, mudda dheerna u soo adeegayey dalkiisa, isaga oo soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira kuwa ciidan iyo maamul.”
Allaha u naxariistee Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo xubin ka tirsan Guddiga Sare ee Siyaasadda ee Dowladdii Milateriga ayaa ku geeriyooday magaalada Brussels ee dalka Blegiumka.
Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) oo sidoo kale soo noqday Taliyihii ugu horreeyay ee Ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed, ayaa waxaa soddog u ahaa Madaxweynihii Dowladda Milateriga Marxuum S/Gaas Maxamed Siyaad Barre.
General Axmed Saleebaan Dafle ayaa ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee Waqooyiga Soomaaliya, sanadkii 1937-kii, waxaana 1971-kii loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Qaranka (NSS) xilkaasi oo uu muddo dhowr sanno ah hayey, intaan loo magacaabin xilal kale oo qaran, intii ay dalka ka talineysay Xukuumaddii Milateriga.
Burburkii dowladii dhexe kadib, Allaha u naxariistee Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafla) waxa uu ku noolaa dalka Eritrea, kadibna waxaa uu uga sii gudbay magaalada Brussels ee dalka Belgiumka oo uu caawa ku geeriyooday.
{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaano isugu gacan qaaday xarunta Baalamaanka Kenya
khamiis 10, April-2025 {HMC} Xildhibaano isugu gacan qaaday xarunta Baalamaanka Kenya
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Gabar Soomaali ah oo lagu dilay Denmark
khamiis 10, April-2025 {HMC} Gabar Soomaali ah oo lagu dilay Denmark
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Taariikh-nololeedkii AUN. Jeneral Axmed Suleymaan Cabdalla Dafle oo Caawa Geeriyooday.
khamiis 10, April-2025 {HMC} Taariikh-nololeedkii AUN. Jeneral Axmed Suleymaan Cabdalla Dafle oo Caawa Geeriyooday.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA</h2>
{DAAWO MUQAALKA} Maxaa sababay in AS Habeenkii Seddexaad ay ka dagaalamayaan Deegaanka Aboorey?
khamiis 10, April-2025 {HMC} Maxaa sababay in AS Habeenkii Seddexaad ay ka dagaalamayaan Deegaanka Aboorey?



