Home Blog Page 1055

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 08/04/2025

Axad 08, April-2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

{DAAWO MUQAALKA} Sidee AS loogu jabiyay dagaalkii ka dhacay Aboorey?

Axad 08, April-2025 {HMC} Sidee AS loogu jabiyay dagaalkii ka dhacay Aboorey?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa laga yaqaan ciidamada gaarka ah ee Turkigu usoo diraya Soomaaliya?

Axad 08, April-2025 {HMC} Maxaa laga yaqaan ciidamada gaarka ah ee Turkigu usoo diraya Soomaaliya?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Wasiir Dahabo Suusow oo sheegtay in general sheegoow muqdisho lagu aasayo

Talaado, 08 Abriil 2025 {HMC} Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumada Soomaaliya Dahabo Suusow oo warbaahinta kula hadashay isbitaalka uu yaalo Meydka Jeneraal Sheegow ayaa sheegtay in beesha uu kasoo jeedo Jeneraalka ay is dejiyaan oo aan la sameenin wax buuq dhalin kara oo aysan jirin cid sumeeysay Jeneraalka.

Wasiir Dahabo ayaa shaaca ka qaaday in Sheegow tii alle ay utimid oo aysan jirin cid u istaagtay inay sumeeysay ama dishay, waxaana ay carabka ku adkeesay in maalinta Arbacada lagu aasi doono isbitaalka Xooga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa ay wasiir Dahabow Suusow ay tilmaamtay in iyada iyo walidiinta Jeneraal Sheegow wada socda ay u tageen Dhaqaatiirta ayna u cadeeyeen in tii alle ay utimid Jeneraalka oo maalmihii dambe uu la xanuunsanaa dhinaca Beerka.

Wasiir Dahabow ayaa u sheegtay Beesha uu kasoo jeedo Sheegow in isbitaalka meydkiisa uu yaalo aan laga sameenin wax arbushaad ah waxaana ay diiday in loo qaado magaalada Jowhar waxaana ay xustay in gudaha magaalada Muqdisho lagu aasaayo.

Sheegow ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Rajab Dayib Erdogan (Ex Digfeer), sida uu xaqiijiyay wasiirka caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan oo xusay in sababta uu u geeriyooday Sheegow ay tahay xanuun uu muddo la noolaa.

“Wuxuu qabay fayraska cagaarshowga, sidaas ayuuna u geeriyooday sida ay isbitaalka noo sheegeen, maaddaama uu muddo la noolaa kaas oo beerka saameeyay kansarna isku beddelay,” ayuu yiri wasiirka.

Somaliland oo sheegtay inay ka hor tageyso safarka RW xamse ee laascaanood

Talaado, 08 Abriil 2025 {HMC} Xukuumadda Somaliland ayaa ka digtay safarka uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ku tagayo magaalada Laascaanood, iyada oo sheegtay in Laascaanood ay ka mid tahay dhulkeeda, isla markaana aanay ogolaan doonin in Xamse Cabdi Barre yimaado.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo la hadlay warbaahinta, ayaa safarka Ra’iisul Wasaaraha ku macneeyay mid colaad abuur ah, islamarkaana uu doonayo in uu xasaradaha ka jira Soomaaliya usoo raro Somaliland.

“Wax kasta oo ay nagu qaadato, waxa naga go’an in aan difaacno qaranimadeenna iyo xuduudahayaga. Nabadda raadinteedu tamar-darro nagama aha… Waxa naga go’an fitnada aad abuurayso in aan xoog iyo xeeladba kaga hortagno,” ayuu yidhi Wasiir Ayaanle.

Wasiirku waxa uu wax aan suuragal ahayn ku tilmaamay qorshaha ay sheegtay dowladda Soomaaliya ee ah in doorasho qof iyo cod ah laga qabto deegaano ka tirsan Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, isaga oo sheegay in doorasho laga qaban karo oo keliya deegaan nabdoon isla markaana aanu sugnayn amniga deegaanadan.

Wasiir Ayaanle waxa uu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha in aanu tegi karin maamulada Puntland iyo Jubbaland, oo uu si gaar ah u matalo, sida uu sheegay, isla markaana halkii uu xal uga raadin lahaa colaadaha ka taagan dhulkaas, uu doonayo inuu xasarad kale la yimaado Sool.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu safar ku tagayo magaalada Laascaanood. Safarkan oo ay dowladda Soomaaliya ku tilmaantay mid lagu xoojinayo midnimada Soomaaliya, ayaa waxa si diirran u soo dhaweeyay maamulka SSC-Khaatumo.

 

Dowladda soomaaliya oo ka hadashay geerida Jenaraal Sheegow

Talaado, 08 Abriil 2025 {HMC} Wasiirka Caafimaadka Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Cali Xaaji Aadam ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay geerida Allaha u naxariistee dhimashada Jeneraal Sheegow Axmed Cali.

Wasiirka ayaa ugu horreyn tacsi u diray dhammaan qoyska iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Jeneraal Sheegow.

Wasiir Cali ayaa sheegay in Jeneraalka muddo uu la xanuunsanayay xanuunka Cagaarshowga taasi oo sababtay inuu geeriyoodo.

“Allaha u naxariisto Jeneraal Sheegow, waxaa uu qabay cudurka Cagaarshowga Hapitaites B, Beerkii ayaana shaqeyn waayay uuna bararay, intaasi ayay dhaqaatiirta noo sheegeen balse xogta rasmiga ah dhawaan ayay soo saari doonan Isbitaalka” ayuu yiri Wasiir Cali.

Madax kala duwan ayaa saacadahii la soo dhaafay ka tacsiyeynaysay geerida Allaha u naxariistee Jeneraal Sheegow 10 xabsi ah lagu xukumay 2023, markaasi oo askar taabacsaneyd iyo kuwa dowladda ay dagaalameen.

Maali oo laga Xiray Duulimaadyadii aay ku Gaari Jirtay Algeria

Talaado, 08 Abriil 2025 {HMC}  Dowladda Algeria ayaa ku dhawaaqday inay joojisay dhammaan duulimaadyadii uga imaan jiray dalka Mali, iyadoo sabab uga dhigtay xadgudub ay sheegtay in lagu sameeyay hawadeeda.

Go’aankan ayaa ka dambeeyay dhacdo la xiriirta diyaarad drone ah oo ay Algeria sheegtay in ay soo rideen, taasoo ka timid dalka dariska la ah ee Mali.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiisad diblomaasiyadeed ay cirka isku shareertay, kadib markii Mali, Burkina Faso, iyo Niger si wadajir ah ugu yeereen safiirradoodii ku sugnaa magaalada Algiers, taasoo muujinaysa diidmada ay muujiyeen go’aanka Algeria ee ah in la soo rido diyaaradda.

Algeria ma aysan faahfaahin nooca drone-ka ama ujeedadiisa, hase yeeshee waxay ku eedeysay Mali inay si aan oggolaansho ahayn u isticmaaleyso hawadeeda.

 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {04-08-2025}

Talaado 08, April-2025 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani Osoble  & Sahro Gabre

Farsamadii ::Mohammed Hassan Owsei

{DAAWO MUQAALKA} Dagaal Culus oo lagu jabiyay AS ayaan kula galnay Aboorey”Gudoomiye Maxamed Shiine”

0

Axad 08, April-2025 {HMC}   Dagaal Culus oo lagu jabiyay AS ayaan kula galnay Aboorey”Gudoomiye Maxamed Shiine”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Shaahsaa “hanala siiyo meeydka Sheegoow anaga ayaa aasaneyno”.

0

Axad 08, April-2025 {HMC}   Wasiir Shaahsaa “hanala siiyo meeydka Sheegoow anaga ayaa aasaneyno”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA