Talaado 08, April-2025 {HMC} Waakee Dalka Ay daacish ka hagto Howlgalada ay fuliso.
{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Xaalada Aboorey iyo DF oo guulo ka sheegatay.
Talaado 08, April-2025 {HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Xaalada Aboorey iyo DF oo guulo ka sheegatay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 08-4-2025.
Talaado 08, April-2025 {HMC}Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu rbacoDambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.
Somalia certifies five political associations for June local elections.
Tuesday 8,April 2025 {HMC} Somalia’s electoral commission has certified five political associations to contest the country’s upcoming local elections, a step widely seen as part of a fragile but forward-moving transition toward democratic governance.
Announcing the decision at a press conference in Mogadishu on Tuesday, Abdikarin Ahmed Hassan, chairman of the National Independent Electoral Commission (NIEC), said the associations had fulfilled all legal requirements and would now be allowed to field candidates in the local council elections scheduled for June.
“These five associations have cleared the conditions set by the commission,” Hassan said. “They are the legitimate political stakeholders of this country.”
Voter registration is underway and free of charge, according to the commission. Hassan encouraged citizens to register and participate, urging political associations still in the pipeline to finalize their paperwork if they hope to be part of future elections.
As Somalia attempts to shift away from indirect voting systems dominated by elite power-sharing arrangements, the June vote marks a major attempt to widen public participation. The country’s political system has long been shaped by clan dynamics, contested authority between the federal government and member states, and ongoing threats from the Islamist insurgent group Al-Shabaab.
“These five associations are now mobilizing supporters,” Hassan said. “We urge the Somali people to choose their leaders carefully, to hold them accountable, and to reject those who do not represent their will.”
The elections are expected to test Somalia’s electoral infrastructure and its ability to deliver credible democratic processes.
Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalo Manta ka dhacay Aboorey.
Talaado, 08 Abriil 2025 {HMC} Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeeyso Dagaal Culus oo manta ka dhacay deegaanka Abooreey oo hoostaga degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan. Ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanayo kuwa deegaanka ayaa Weerar dhowr Jifo ah kaga qaaday deegaankaas oo Ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.
Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaa Hiiraanweyn u Xaqiijiyay in inta badan Magaalada Laga Saaray AS, isla-markaana ay iskugu tageeyn hal goo boo kali ah. Waxaana ay intaasi ku dareeyn in Saacadaha soo socda ay ka Saari doonaan.
Sidoo kale Gudoomiyaha deegaanka Aboorey Nuur Cilmi Cariif oo Wareeysi Siiyay Hiiraanweyn ayaa sheegay in Al-shabaab ay kaga dileeyn dagaalkii Manta dhacay Askar iyo horjoogayaal farabadan, ayna wadaan tiro koob Khasaarahii Gaaray AS.
Gudoomiyaha Abooreey Waxaa uu sheegay in dhankooda ay dagaalka kaga dhinteeyn ilaa 4 qof dhawacane uu gaarayo 6 Ruux oo iskugu jiro Ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawisleeyda. Dadka Dagaalka Manta ku dhintay waxaa Kamid ahaa Taliyihi Uurka 6AAD Guutada 16AAD Ee kumaan Dooska Danab Taliye Asad Osmaan Afrax.
Dagaalkii Saakay biloowday ayaa soo gaaray Fiidnimada Caawa, Waxaana Gudaha Aboorey kuwa Sugan Ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab.
{DAAWO MUQAALKA} Faah_Faahin laga soo saaray Halka uu marayo la dagaalanka Arimaha Xagjirka Dalka
Axad 08, April-2025 {HMC} Faah_Faahin laga soo saaray Halka uu marayo la dagaalanka Arimaha Xagjirka Dalka
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Dowladda oo soo saartay Khasaaraha AS lagu gaarsiiyay Dagaalka Aboorey.
Axad 08, April-2025 {HMC} Dowladda oo soo saartay Khasaaraha AS lagu gaarsiiyay Dagaalka Aboorey.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Soomaaliland oo soo saartay Amaro ku Socda Dhamaan Shacabka iyo Madaxda
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Guddiga doorashooyinka qaranka oo shaaciyey ururada is diwaan geliyey.
Talaado, 08 Abriil 2025 {HMC} Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in ay hayaan shan urur oo soo buuxiyay shuruudihii Guddiga uu horey ugu dejiyay ururada Soomaaliyeed ayna noqon doonaan shantaasi urur kuwa ka qeyb gali doono doorashada golaha degaanka ee dhici doonta Bisha Lixaad ee sanadkaan.
Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaca ka qaaday in ururadaasi haddaba ay bilaabaan inay taagerayaashoodi soo diiwaangeliyaan si ay u helaan codadka ugu badan ee Doorashada Golaha Degaanka, waxaana uu carabka ku dhuftay in isdiiwaangelinta ay tahay mid bilaash ah.
Waxa uu xusay Cabdikariin Axmed Xasan in Guddiga Doorashada uu dhiirigelinayo ururada isdiiwaangeliyay uguna baaqayo kuwa kale ee wadada kusoo jira inay isdiiwaangeliyaan, hadda siyaasadda Soomaaliya waxa ay u dhaxeeysa ayuu yiri Madaxda Dowladda iyo Ururada isdiiwaangeliyay.
“Siyaasada Soomaaliya waxey ka dhaxeysaa 5-ta urur ee isdiiwaangeliyey iyagaana ah Saamileyda saxda ah ee Siyaasada Waxeyna ka qeyb kayihiin doorashada golaha deegaanka”. ayuu ku yiri Shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho.
Ugu dambeeyn waxa uu shaaca ka qaaday Guddoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan in shacabka uu ugu baaqayo inay hogaankoodi doortaan si ay ula xisaabtamaan hogaankoodi, waxana uu tilmaamay qof aan rabitaanka shacabka aanan haysan inaysan soo dhoweyneen.
Booliiska Somaliland oo bulshada deegaanadaas uga digay hadalada dadka isku dirayo
Talaado, 08 Abriil 2025 {HMC} Booliiska Somaliland ayaa ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadayo qof kasta oo lagu helo inuu bulshada dhexdeeda ku baahinayo hadallo isku dir iyo colaad abuuri kara.
Amarka booliiska ayaa yimid kadib salaadiin warbaahinta mariyay hadallo keeni kara colaad, maalmihii la soo dhaafay. Taliyaha Booliiska, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan ‘Cabdi Dheere’, ayaa sheegay inay wax ka qabanayaan cid kasta oo isku dayda inay bulshada isku dirto.
“Qofku haddii aanu hadalkiisa u meeldayin oo uu ummadda isku dirayo, innaga ayaa u idman in aynu qabano, innaga ayaa sharcigii ah, waana qabanaynaa oo sharciga ayaan horgeynaynaa,” ayuu yidhi Cabdi Dheere. “Waxa inagu soo badanaya dad iska hadlaya oo ummad isku diraya, afku wuxuu la xoog badan yahay magliga xawda kaa jara.”
Salaadiinta hadalkoodu sababay amarka booliiska ayaa hore u sheegay in Taliyaha Sirdoonka Somaliland uu amray in la jidh-dilo askari ka tirsan ciidanka sirdoonka, haybtiisa awgeed. Hadalkaas ayaa markii dambe beenoobay, iyadoo waalidka askarigu sheegeen in la xidhay askariga kadib markii uu qof baabuur ku jiidhsiiyay, balse ayna jirin wax jidh-dil ah.
Waxaa sidoo kale jiray odayaal kale oo si kulul ugu jawaabay salaadiintaas, iyaga oo iyana warbaahinta mariyay hadallo xanaf leh, taasoo keentay in bulshada qaarkood ay ciidanka booliiska ugu baaqaan inay wax ka qabtaan dadka warbaahinta u adeegsanaya hadallada dhiillada leh.
Odayaasha dhaqanka, oo ah tiir-dhexaadka nabadda isla markaana sharaf weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed, ayaa mararka qaar ku kaca hadallo qabyaaladaysan oo ay bulshada ku kala dilayaan, taasi oo sababta colaad iyo haybsooc.



